Hello; Madaxweyne: Geeska Staff Writer

1
510

Picture6Muddooyinkii u dambeeyay iyadoo ay waxyaabo nabadgelyada wax u dhimayaa oo ka  imanaya dhallinyaro kooxo kooxo u socota ku soo badanayeen caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ku soo biiray culayso kale oo siyaasi ah oo iyaguna taabtay dhinaca ammaanka. Waa shirqoolo iyo hanjabaado.

Toddobaadkan dhammaaday waxa fal isku day dil ah ka badbaaday xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan golaha wakiilada. Xildhibaanku wuxuu ka soo jeedaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID, waxaana sida uu sheegay lala  beegsaday saddex xabadood oo rasaas ah. Wuxuu sheegay in ragga rasaasta huwiyay ay ku doodayeen ‘Maxaa ku daba dhigay ragga hablaha naga qaba.’ Xildhibaanku wuxuu rasaasta lala beegsaday ku xidhiidhiyay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadaada oo kala ah wasiirka warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka amniga. Labaduba waxay beeniyeen eedaha xildhibaan Qabile. Xildhibaankani wuxuu caan ku yahay soo badhigista dhaliilaha xukuumadda.

Faysal Cali Waraabe, oo  isna ah hoggaamiyaha UCID ayaa sheegay in looga soo hanjabay madaxtooyada dhexdeeda, iyadoo lagu haysto aragtidiisa siyaasadeed. Faysal Cali Waraabe, wuxuu dhawaan bixiyay waraysi dheer oo uu si weyn ugu soo bandhigay dhaliilaha Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Inta la ogyahay taariikhda Somaliland waa markii u horaysay ee siyaasiyiin mucaarad ah lala beegsado hanjabaado iyo weeraro iyadoo waxa keliya ee lagu haystaa ay tahay aragtidooda siyaasiga ah. Dalku wuxuu soo maray xaalado adag oo mararka qaar uu qof waliba qorigiisa degta ku siday iyadoo hadana siyaasadda lagu kala aragti duwanyahay. Balse marna may dhicin isku day dilal qorshaysan oo qarsoon iyo hanjabaado.

Mudane Madaxweyne, arrimahani waxay marka koowaad ceeb ku yihiin shakhsiyadaada, maadaama oo la aaminsanyahay in arrimahan loo samaynayo difaacistaada. Marka labaadna waxay ceeb ku yihiin dalka iyo amnigiisa. Somaliland waxay leedahay cadow tiro badan oo wakhtiyo badan ka gudbiyay dacaayado ka dhan ah ammaanka, kuwaas oo gaadha Qaramada Midoobay iyo dawladaha dunida ugu tunka culus. Cadowgaas oo wararka noocan ah soo xigtaana waxa la malayn karaa sida ay sheekooyinka noocan ah u buun-buunin karaan islamarkaana ay meel walba uga ridi karaan.

Sidaas daraadeed, Madaxweyne waxa lagaaga fadhiyaa inaad qaado tallaabooyin aad wax kaga qabanayso foolxumooyinkan dalka la soo dersay oo labadii kulantaaba ay iska xog-waraysanayso, kuwaas oo haddii aan kuwan waxba laga qaban sababi kara inay kuwo kale dhacaan. Waa inaad madaxwene wasiirada iyo shakhsiyaadka kale ee eedaha noocan ah loo jeedinayo ku wargelisaa inay iska difaacaan maxkamadaha iyo cadaalada horteeda. Mudane Madaxweyne, waa in sharciga loo sinaadaa shacab iyo dawladba. Waa inaad sidoo kale amartaa in la soo qabto ninka xildhibaanka rasaasta ku furay.  Arrimahan oo aad mawqif cad oo hoggaamiyenimo iska taagtaa waxay cadayn doontaa miisaanka iyo awooda aad u leedahay inaad falalka noocan ah wax ka qaban karto. Haddiise aad Madaxweyne daawato waxa ay noqon doonaan naanayso xukuumadaada ku suntanaada. Sidaas daraadeed, Madaxweyne waa inaad sida ugu dhaqsaha badan arrimahan u soo dhex gashaa oo aad weliba go’aamo cad-cad uga qaadataa.

Comments are closed.