“Xukuumadda Siilaanyo Wixii Aanu Ka Hadli Jirnay Markii Aanu Mucaaradka Ahayn Wax Ka Daran Ayay Maanta Samaysaa. Daahir Rayaale Maamulkiisii Bikh”

0
470

Siciid-Cilmi-roobleHargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay samaynayso waxyaabo ka daran waxii ay ku dhaliili jireen maamulkii hore ee Daahir Riyaale markii uu mucaaradka ahaa xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in xadhig, caga juglayn iyo cabudhinba ay ku hayso shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn si’aada u cambaareeyey xadhig ay xukuumadu kula kacday dhalinyaro ka tirsan ururka Jiidali oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Sheekh, Suxufi ka tirsan Taleefeeshanka Somali chanel oo isna dhawaan lagu xidhay magaalada Barbera,  iyo Cismaan Kalash oo isna ka tirsanaan jiray golahii hore ee aqalka wakiilada oo hada ku xidhan xarunta CID-da, waxa kale oo uu si aada u cambaareeyey dagaal mar kale dib uga soo cusboonaaday shaqaaqadii la xaliyey ee dhawaan baliga Diiriye Guuleed ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah.  "Waxaan doonayaa in aan marka ugu horeysa halkan ka cambaareeyo dhalinyarada Jiidali ee magaalada Sheekh inta ay ku qabteen Shir-jaraa'id oo inta laba ka mid ah la xidhay deedna Berbera loo soo dhaadhiciyey, waxaana ay kala yihiin Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed iyo Bashiir Cumar Maxamed Qabile, waxaan kale oo aan cambaaraynayaa xadhiga suxufiga Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo isna si sharci darro ah Berbera ugu xidhan, iyadana waxaa kale oo aan si xooga u cambaaraynayaa xubin ka tirsan madaxda xisbiga Waddani Md:Cismaan Kalash oo horena golaha uga tirsanaan jiray oo hadda isna ku xidhan xarunta CID. Marka marka uu maamul sii dhacaayo ee uu sii galabsanaayo, waxaa uu ku waashaa xadhig kaasina waxba uma kordhiyo oo wax ayuunba uu ka sii xumeeya, dadkuna waa ay ku sii kacaan. Waxa weeye dadka Somaliland xadhig iyo xabad hore ayey u soo dhamaysteen, nidaamkii Afweyne waxaa gun dhig u ahaa xadhig, rasaas iyo beebeeyo mid kastana waxba laga'gama qaadin, waxaan odhan lahaa waa in xukuumadu ay ka waan towdo, xadhiga faraha badan ee ay dhalinyarada xidh xidhayso ee ay saxaafada xidhayso, ee cabudhinta leh ee maxkamadaha aan marayn, aan waa ranka lahayn ee sharci darrada ah ee xeer jabinta ah, dastuur jabinta ahna ee ay caadaysatay in ay ka waan towdo ayaan rajaynayaa."Ayuu yidhi Xill.Siciid Cilmi Rooble. Siciid Cilmi Rooble oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Xukuumadani wali meel shaqaaqo ka jirto oo ay dhamays tirtay lama arrag, waxa weeye Illaa maantada fidnadii baliga Diiriye Guuleed dhaawaceedii shalay ayaa uu dhacay oo uu taagnaa oo dhaawacyo ayaa jira, aad ayaan iyadana u cambaaraynayaa arrintaas, waxaanan ugu baaqayaa guud ahaanba shacbiga reer Somaliland in ay waxii dhexyaala ay iyagu gudahooda ku dhamaystaan, kana digtoonaadaan arrimaha foosha xun ee ay xukuumadu wado, nabad galyadiina idinkaa leh ee gacmihiina idinku ku illaashada.”. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaa kale oo uu xukuumada ku eedeeyey in ay ciil u qabto oo ay doonayso in aanay umadda wax dhaxal ah uga tagin, waxaana uu tilmaamay in ay lexla jeclo darro ay ka hayso guud ahaanba dalka."Waxa kale oo aan xasuusinayaa xukuumada Siilaanyo in waxyaabihii markii aanu mucaaradka ahayn ka hadli jirnay wax ka daran ayey maanta samaynaysaa, shalayto bikh, daahir riyaale maamulkiisii bikh weeye, waxan ay samaynaysaa waa wax ka daran weeye. waxa weeye meel kasta waxaa ka taagan nabad galyo darro, iyadaana abuuraysa, mana abuurayaan dadka shacbiga reer Somaliland, umaddu iyaga ayaa nabad galyada abuuraysa oo cid kasta ka jecel. Waxaad mooda xukuumadani in ay tahay mid ciil qabta oo aan doonayn in ay umaddan ay taariikh wacan uga tagto, haday tahay sida ay wax u boobayso ee musuqmaasuqa, sida lexlo jeclo darada ah ee ay samaynayso guud ahaanba hadii aad dhinac kasta ka eegto waxa aad mooda in ay tahay xukuumad aan u dhalin Somaliland oo aad moodo in ay la mid tahay kuwii aan shalayto ka cabaynaynay iyo kuwii aan ka dagaalanay oo kaleba, waxaan leeyahay xukuumadu caqligeedii ha iska soo celiso, mudadana waxii Illaahay u qoray ayey helaysaa haday boodo oo ay dhacdo oo aan Illaahay u qorin in ay soo baxdo dee ma helayso. marka ha ka dayso umadda tacadiga ay ku hayso.”Ayuu yidhi Md:Siciid Cilmi Rooble. Ugu danbayntiina Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,waxaa uu gudida komishanka doorashooyinka qaranka uga digay in ay u  dhaga nuglaato carqalado siyaasadeed oo uu sheegay in ay xukuumadu wado.“Waxaa aan uga digayaa gudida Komishanka doorashooyinku in ay u dhaga nuglaadaan carqaladaha siyaasadeed ee ay wado xukuumada Siilaanyo, waxaanan leeyahay waar hoy ogaada umaddu gacantiina ayey ku jirtaa ee illaasha oo bad baadiya.”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.