Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Aqoonsi Guddoonsiiyay Qaar Ka Mid Ah Dhakhaatirta Ugu Caansan Somaliland

0
435

Picture6Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siillanyo) ayaa waxa uu Shahadooyinka aqoonsiga Caafimaadka gudoonsiiyey qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Caafimaadka Somaliland, waxaana xusid mudan in Dakhaatiirtan uu gudoonsiyey Shahaadooyinkan ay ka mid yihiin Masuuliyiin Wasiiro ka soo noqday Xukuumadiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Xoog iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kale oo ku jira Dhakhaatiir waaweyn oo magac ku leh Somaliland

sida Dr Saleebaan Cabdi Guuleed,  Dr Axmed Ibraahim Obolos iyo Dhakhaatiir badan oo Gobolada Somaliland ka kala yimid.

Munaasibadan uu Madaxweynuhu ku gudoonsiyey Shahaadooyinkan Dhakhaatiirta, oo si balaadhan ay u soo

agaasimeen Komishanka Qaranka ee mihnadlayaasha Caafimaadka NHPC, ayaa shalay  ka dhacday Mansoor Hotel, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi 

(Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Guddoomiyaha NHPC Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha NHPC Marwo Luul Jirde Xuseen, Marwo Edna Aadan, Xildhibaano, Hay’addo iyo Dakhaatiirta Shahaadooyinka la gudoonsiinayey, 

Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo  Awqaafta Somaliland Sheekh  Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay ilaalinta Caafimaadka iyo doorka ay ku leedahay Diinteena qaaliga ee Islaamku waxaanu ku booriyey Dakhaatiirta Shahaadooyinka qaadanaysay inay aad uga taxadiraan ilaalinta Caafimaadka dadka, oo uu sheegay inay Diinteenu aad u liisay isla markaana muhiimad balaadhan siisay’ waxaana uu Wasiirku xusey in ilaalinta  Caafimaadku yahay   shey aad u qaali ah Isla markaana ay Diinteena suuban ee Islaamkuna ay sheegtay.

 Agaasimaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimadka Somaliland NHPC Marwo Luul Jirde Xuseen oo iyana Madashaas ka hadashay  ayaa ka waranay marxaladihii kala duwanaa ee uu komishani soo maray,  waxayna Sheegtay in Komishankoodu muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku mashquulsanaa   sidii ay liisan u siin lahaayeen  Mihadlayaasha  Caafimadka ee ka hawl  gala Somaliland  farxadna ay u tahay in ay  Gudoonsiiyaan liisamo 30 qof oo ku shaqeeyaha mihnada caafimaadka, iyada oo dardaran u soo jeedisay dhakhaatiirta, uguna baaqday inay ay ku dadaalan ilaalinta Caafimaadka bukaanka,waxayna sidoo kale sheegtay in 640-qof ay u diiwaangeliyeen inay noqdaan Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Marwo Adna  Aadan Ismaaciil oo iyana Munaasibaadaas ka hadaly ayaa si xeel dheer uga hadashay marxaladihii uu soo maray ururkani, waxa ay  xustay in hawshan ay  bilaabeen Komishanka Qaranka ee Caafimaadku NHPC ay tahay hawl aad loogu baahnaa isla markaana ay Maanta tahay wax lagu farxo  in hawashaasi la Hir Galiyo, waxayna tidhi iyada oo arimahan ka hadlaysa “Muddane Madaxweyne waxaa sharaf weyn ii ah inaan  ka soo qaybgalo xafladan aad hoggaaminayso ee shahaadada lagu siinayo dadkii  loo aqoonsaday inay yihiin xirfadlayaashii mutaysatay Shahaahdadan Caafimaadka.” Ayay tidhi.

Marwo Edna Aadan Ismaciil Waxaa Ay Sheegtay  In  Ururka Mihnadlaaysha Caafimaadka Ay Saaran tahay Masuulyada Cid Kasta Oo Xanuusaneysa, iyadoo si gaar ah u amaantay Dr. Luul Jirde Xuseen oo ay sheegtay inay xil ka saartay dhaqaajinta iyo hirgelinta mihnadlayaasha caafimaadka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka  ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna madashaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu u hanbalyeeynaayo Dhakhaatirta la gudoonsiinaayo Shahaadada Caafimaad

Guddoomiyaha Ururka Mihnadlaayasha Caafimaadka Somaliland NHPC Axmed Xaashi Odey  oo isna madashaas  ka hadlay  ayaa waxa uu ku dheeraday qiimaha uu Caafimaadku u leeyahay, Bulshada iyo waajibka ka saaran Dhakhtarka, isaga oo sheegay  in aaney dalka ka hawl gali doonin Dhakhtar ama qof ku shaqeeya  mihnada caafimadka oo aan sidan liisanka ay bixiyaan Ururka mihnaadlaasha Caafimadka Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Saleebeen Ciise Ahmed (Xaglo Toosiye) oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu  sheegay in arintan ay Mihnadlayasha Caafimaadku sameynayaan ay tahay mid lagu  af jaraayo Dadkii aan sida wacan u aqoon Aqoonta Caafimaadka ee sheegan jiray inay wax yaqaanan isla markaana aanay dalka ka hawl gali doonin  cid aan sidan Liisanka ay bixinayaan ururka mihnadlayaasha  caafimadka Somaliland  waxnaa uu yidhi “Weynu ognahay meel kasta oo aad ka soo wareegto waxaa ka furan meel uu cilaaj  ku qoran yahay ama lagu iibinaayo daawooyin caafimaad  halkaasi oo aaney joogin Dhakhaatiir aqoon u leh,  muddo dheer  ayaa lagu xad gudbaayey caafimaadka waxaanan filayaa in ay  soo dhammaatay taasi Wasaarad ahaan iyo Kominshan ahaana waxaanu u taaganahay  in aanu arintaas dhameyno.”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isagu Munaasibaadaas ka soo xidhay ayaa  waxa uu tilmaamay  in Caafimaadku yahay shey aad qaali ugu ah nolasha dadkuna, xukuumaduna diyaar u tahay inay dhammayso wixii dhinaceeda kaga soo qayba.

  waxaana yidhi “Farxad  weyn ayey ii tahay in aan ka soo qeyb galo Xafladan qiimaha iyo qaayaha badan Caafimaadku waa shey mihiim u ahaa mujtamaceena iyo umadeenaba ilaalintiisa iyo wax ka qabadkiisuna  , haddii anaguna aannu nahay xukuumada talada haysa waxii aanu awoodno waanu ka qabneynaynaa waxii waajib  la noogu leeyahayna waanu sameyneynaa ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Dakhaatiirtan, waxaana ugu horeeyey oo uu ugu hor gudoonsiiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, waxa ku xigay Dr Saleebaan Cabdi Guuleed, waxa ku xigay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Cabdi Gaboose, iyaduu sidoo kale uu shahaadada guddoonsiiyay Dr. Obolos iyo dhakhaatiir kale oo tiro badan.