Xukuumadda Oo Dirtay Baaq La Xidhiidha Biyo La’aan Iyo Abaaro Ka Jira Galbeedka Dalka

0
543

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in 20,000 oo  Qoys cunto iyo biyo degdeg ah u baahan yihiin, isagoo sheegay inaanay gobolada galbeedka Somaliland roob helin muddo 8 bilood ku siman. Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo guddida abaaraha Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in qaybaha kala duwan ee bulshadu u diyaar garowdo gurmad degdeg ah oo biyo iyo baad lagu gaadhsiiyo bulshada. “Waxaanu ugu baaqayna abulshada Somaliland gudo iyo dibadba,hay’addaha caalamiga ah,  iyo waddamada aynu saaxiibada nahay in hawshaas gurmad degdeg ah laga galo oo nalaga caawiyo. Xukumad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu qaybtayada ka qaadanno” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

 Madaxweyne xigeenku waxa uu sheegay in gobolada Gabiley iyo Awdal oo ugu darraa abaarta laga sii bilaabay biyo dhaamis hor dhac balse roobabku ka bilaameen, iyadoo la filayo inay biyo dhaamiska ka furtaan dadka balse aanay wakhtigan dhinaca cuntada waxba ka tarayn.

“Umadda reer Somaliland ganacsatada iyo cid walba waxaanu ka codsanaynaa inaynu isku naxariisanno oo u diyaar garowno gurmad degdeg ah oo dadka lala gaadho waxay cunaan. Waxaa lagu qiyaasay in dad labaatan kun oo qoys lagu qiyaasay maanta cunto u baahan yihiin gobolada Galbeedka, markaa dibaddu wakhti bay inagu qaadanaysaaye waa inaan u diyaar garowno sidii aynu degdeg ugu gaadhsiin lahayn 20,000 qoys cunto degdeg ah” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

Mudane Saylici, madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu Alle uga baryay bulshada Somaliland in raxmaadkiisa uu u shubo maadaama Illaahay umaddiisa dhargiyo oo aan gacan bani’aadam aan lagu baahi bixin.