Siyaasiyiinta Somaliland Ma Waxay Dhaafi Waayeen Shalay Iyo Maanta? Cabdikariim Kaambul

0
552

Picture3Madax banaanida Somaliland oo hadda laga joogo 24-sanno, oo ilaa hadda Beesha Caalamka aqoonsi caalamiya ka helin, balse nidaamka Dimuqraadiyada Dastuurka iyo habka Xisbiyada badan qaadatay 2001-dii, kana guurtay nidaamkii Beelaha, ayaa ilaa wakhtigaas hadba Marxalada Siyaasadeed ee Somaliland meel maraysay, weji gooniyana lahayd.

Haddaba marka aynu u nimaadna Doorashadii ugu horeeysay ee dalka ka dhacda oo ahayd 2003-dii, kuna tartamayeen dhawr Urur Siyaasadeed oo ahaa kuwii ugu horeeyey ee dalka ka hanaqaada, oo ay ka mid ahaayeen UDUB, Kulmiye, UCID, Sahan, Hormood iyo Asad, ayaa ugu dambeyntii waxa si rasmiya XIsbiyo u noqday UDUB oo ahaa Xisbigii taladda dalka hayey, oo uu Guddoomiye ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, Kulmiye oo uu Guddoomiye ka ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo UCID oo uu Guddoomiye ka yahay Eng: Faysal Cali Waraabe, waxa wakhtigaas la doortay Golayaashii Deegaanka ee ugu horeeyey eesi xor ah loo doorto, waxaana xilkii Madaxweyne ku guulaystay Daahir Rayaale Kaahin.

Haddaba laga soo bilaabo Sannadkii 2003-dii, ilaa Maanta oo ah ilaa iyo 12-sanno, waxa ay Siyaasiyiinta Somaliland ha noqdaan Mucaarad, Muxaafid iyo Xukuumad qaar dhaafiyey dhawr qodob, oo hadba weji gooniya yeelanaya, haddii aynu soo qaadanana,

Dhaliishii Mucaaradka ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin

Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee wakhtigii uu Daahir Rayaale xilka Madaxtinimo ee dalka uu hayey waxa ay ku dhaliili jireen qodobo ay ka mid ahaayeen

1-Musuq-maasuq baahsan, 2-Hanti boob, 3-Iibka Guriyaha Dawladda, 4-ku xad-gudubka xoriyatul qawalka, 5-Cabudhinta Saxaafadda iyo xadhiga Suxufiyiinta 6-Masuuliyadda dib u dhaca Doorashada, 7-Muddo kordhinta, 8-Xadhiga Siyaasiyiinta gaar ahaan Madaxdii Qaran, 9-Heshiisyada ay Xukuumaddu gasho oo aan la kor keenin Barlamaanka.

Dhaliishii Xukuumadda ee Mucaaradka

1-In muddo kordhintu sharci tahay, oo Guurtidu sharci u leedahay muddo kordhinta,Xisbiyada Mucaaradkuna dhaliishoodu sharci daro tahay,  2-In dib u dhaca Doorashadu duruuftu keentay, 3-In Urur Siyaasadeedkii Qaran uu ahaa sharci daro, 4-In dhammaan dhaliilaha Mucaaradku u soo jeediyaan Xukuumadda in yihiin waxba kama jiraan 5-In Xisbiyadu Mucaaradku iyagu laftoodii ay ku xad gudbeen Sharcigii. 

Dhaliishii Mucaaradka ee Xukuumadda Axmed Siillaanyo

Haddaba marka aynu nimaadno dhaliilaha ay inta badan u soo jeediyaan Xisbiyada Mucaaradku Xukuumadda, isla markaana aynu barbar dhigno kuwii ay u jeedin jireen Labadii Xisbi Mucaarad Xukuumaddii Daahir Rayaale wax badani ismay bedelin, ee meesha ka baxay Xisbigii UDUB, oo waxa taladda la wareegay oo Xisbigii Kulmiye, oo noqday XIsbul xaakim, waxa sidoo kale halkii Kulmiye galay Xisbiga Waddani, waxaana xaqiiqo ah in wax badani aanay iska bedelin dhaliilihii ay Mucaaradku u soo jeedin jireen Xukuumaddii  Daahir Rayaale oo ilaa hadda ay u soo jeediyaan Xukuumadda Sillaanyo, waxaana ka mid ah dhaliilahaas, kuwa ku soo kordhay 1-Dib u dhac ku yimid Siyaasadii Arrimaha Dibada, 2-Icitraaf raadintii oo gaabis ku yimid,   3-Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, 4-Daahir Rayaale waxa uu ku dhiibay dal mid ah, balse maamul goboleedo ayaa soo baxay.

Dhaliilaha Xukuumaddan ee Mucaaradka

1-Madasha wada-tashigu waa sharci daro, 2-Mucaaradku sharcigii ayey ku xad-gudbeen, 3-Mucaaradku wey iska indho tirayaan xaqiiqda.

Dhab ahaana waxa xaqiiqo ah in booskii ay ku jiray Qaran ay hadda Madasha gashay, in wakhtigii Daahir Rayaale masuuliyiin difaaci jiray Siyaasadiisa inay haddana difaacan Siyaasada Xukuumadda Siillaanyo, in wakhtigaas  Siyaasiyiin ka soo hor jeeday Siyaasadii Xukuumaddii UDUB, inay haddana ka soo hor jeedaan Siyaasada Kulmiye, halka sidoo kale ay jiraan Masuuliyiin ka difaaci jiray Siyaasadii Daahir Rayaale inay haddana ka soo horjeedaan Siyaasada Xukuumaddan, oo tusaale ahaan Siyaasiyiin Shalay lahaa muddo kordhintu waa sharci daro ayaa maanta leh waa sharci, halka qaar shalay ka lahaa waa Sharci ayaa Maanta leh waa Sharci daro, inta badan Siyaasiyada iyo Siyaasiyiinta Somaliland waxa ay ku soo ururtay qodobadaas aynu sare ku soo xusnay, ilaa haddana muranku wali uu taagan yahay, weji wejigaas ku duwana ilaa imika lamay iman, ee ma waxa la odhan karaa Siyaasada Somaliland ayaa sidan ah, mise Siyaasiyiinta ayaan u bislaan Siyaasada oo Dimuqraadiyada sidan moodaya. W.Q A/Kariin Kaambul