Midhka Maanta: Biyo La’aanta Hargeysa Iyo Baqoolka Maareeyaha Biyaha

0
638

liiiWaa qormadeenii qubanaha ahayd ee aynu ku gorfayn jirnay hadba xaalada maalintaas taagan taas oo aynu ugu magac darnay midhka maanta sidaa darteeda maanta waxaynu taaban doonaa biyo la’aanta baahsan hargeysa.

Biyuhu waa nolol, waxaana inoo sheegay Allaha koonkan abuuray ee mulkigiisu u sugnaaday, waxaanu Alle (SWT) inagu yidhi waxaanu shay walba oo nool ka yeelnay biyo .

Akhriste kolay waxaad ka dharagsan tahay xaalada biyo la’aaneed ee haysata magaalada iyo korodhka bulshada oo aan is lahayn sidoo kale waxa maalin walba dhagahaaga iyo  indhahaaga daashayday ama ku soo noqnoqda iyadoo wakaalada biyaha ama wasaaradda biyuhu ka sheekaynayaan mashaariic waawayn oo ay leeyihin biyo balaadhintii caasimada ayaa hawsheedii bilaabantay geesta kale waxa iyadana maskaxdaada ku sawiran rajadii ahayd caasimadu  sanadka 2015 biyo ayay la ciirciir doontaa halka maanta ay biyo la’aanta la tawaawacayso taasina waxay ina tusaysaa sidaan bulshada loo qiimayn ama garashadooda wax looga soo qaadayn ileen hadii qiimo loo hayo garashadeena waxa la inoo sheegi lahaa waxa qaldamay ama dib u dhaca keenaye! Haddii rajadu sidaa ahayd maantana xaalkeedu waa biyo col dhaanshay waxyaabaha yaabka een aan arkay waxa weeyaan in maanta degmooyinkii biyaha laga cabi jiray ay heedadaw biyo raadis ah ku jiraan iyagu haba joogaan meelihii aanay biyuhu gaadhi jirine. Waxa jira xogo sheegaya in mishiinadii biyaha geed deeble ka keeni jiray ay qaar cilad u fadhiisteen halka maareeyihii ka hawl gali lahaa cilad saaridooda iyo xalintooduna uu tamashle iyo barqo dharag ku joogo cariga ingiriiska, waxaana maanta foostada biyaha ah hargeysa lagu siinayaa lacag u dhiganta 2 doollar halka ay awal ka ahaan jireen wax u dhigma 1 doollar, mar aan la sheekaysatay dadka ay ugu jiraan qasabaduhu waxay ii sheegeen in hadii ay biyuhu u soo dhici wayaan waligood ay wakaalada biyuhu lacag  50,000 S/shilin ah ka qaado taasina ay qasab kaga dhigeen dadka oo aanay waxba ka galin in biyo la helay iyo in kale halkaasna waxa kaaga cadaanaysa inay wakaaladu ka fikirto uun dakhli sidii ay u heli lahayd  uun balse aanay dan kale jirin. Geesta waxa iyadana wakaalada biyaha iyo xukuumaduba iska indho tiraysaa oo shan sanaba laalaada mashruucii biyaha xumbo weyne kaas oo masuuliyeenteenu ay jid iyo caad midna u saari la’yihiin ogowna mashruucaasi waa deeq alle inoo keenay ee maaha xoog iyo xiniinyo waxaynu ku keenay hadaba marka xaalku sidaa yahay ee kolba biyahaas gudi loo saarayo miyaanay ahayn inaan loogu tallo galin in magaaladu biyo hesho dadkuna noolaadaan xaqiiqatan waxa meesha ka muuqata sawir ah cidii noolaan kartaa ha noolaato cidii kalena ha iska huleesho. Waxaan qalinka ku soo xidhayaa tuducyo ka mida Maansadii Abwaan Hadraawi ee “Bulsho”

Ninkii ballankaaga qaaday

 Ka baaqday xilkaad u dhiibtay

Ka baydhay ujeedadaada

Ku boobay adoo sabool ah

Ku wiirsaday baaba'aaga

Adoo bogan waayey taada

 Ninkii u buseelay raaxo

Huwaday bulbushii libaaxa

Buruudkiyo shaashka qaatay

 U booday cirkaa dusheenna

Bilkeeday laboontidiisa

Buurtuu koray waarin mayso

 Heddiisana baajin mayso

 Kub iyo bawduu ka jabi

Shantaana umal fool bashiishtay

 Berdaanka xusuusta ii dheh

 Bulshooy adigay boqraday

Beerkayga adaa gogladey

 Bogeyga adaa huwadey

wadnaha adigaa barkaday

 bishmaha adigaa furfura

 Markii lagu bililiqaysto

Markii baaqagu yeedho

 Ayaan boholyoow gabyaa

 Dareenku baraarugaa

 Bulshooy adigay boqrday

 Adaa bili igu shakalay

 Baruudka adaygu xidhay

 Haddaan ahay wiil bir kulul

Burjiga adigaa iska leh

 Badheedhka adaa i faray

 Dagaalka adaa i baday

 Belaayo haddaanay dhicin

 Dantaada haddaan la bi'in

Haddaan baradaadu guban

 Miyaynu is baran lahayn!

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email:

Liibaanhanad79@gmail.com