Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Gashay Shir Ay Qaban Qaabadiisa Dawladda Somaliya Door Weyn Ku Lahayd Iyo Su’aalaha Ka Dhashay

0
3126

Picture6Nayrobi(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb gashay shir shalay lagu qabtay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, kaas oo ku saabsan dib u dhiska dalka Somaliya.

Shirkan oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen rugaha ganacsi ee dawladda Somaliya, dawladda Kenya iyo hay'ada Hanvard qaybteeda qaarada Afrika ayaa loogu magacdaray maalgashiga Soomaaliya, waxaana  ka qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha  Somaliya, Maxamuud Axmed Xasan, shirkado shisheeye iyo dadyoow kale oo ajaanib ah.

 Shirka waxa furay Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Mr. Maxamed Cali Ameeriko. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Maxamuud Cabdillaahi Sifir, oo shirkaas hadalo ka jeediyay ayaa shirkaas ka sheegay inay Somaliland ka jiraan fursado maalgashi oo dihin, kuwaas oo u baahan in shirkadaha shisheeye ay indhahooda ku soo arkaan.

Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday uu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka. Waxa iyaguna ka hadlay shirkado ganacsi iyo diblomaasiyiin shisheeye.

Madasha shirka lagu qabtay waxa shalay si weyn loogu xardhay boodhadh lagu qoray wasaaradda gancsiga iyo wershadaha Somaliya iyadoo lagu dhejiyay astaanta dawladda Somaliya, halka aan habayaraate lagu muujin wax astaan ah oo muujinaysa Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo Isniintii ka dhoofay magaalada Berbera, ayaan haba yaraare soo hadal qaadin shirka uu ka qayb galay oo lagaga hadlayay dib u dhiska Somaliya. Waxaanay dad badani isweydiinayaan sababta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga qayb gashay shir ay qaban qaabadiisa door muhiim ah ku lahayd dawladda Somaliya, mar haddii ay hore u qaadaceen shirkii balaadhnaa ee Ingiriiska lagu qabtay isla bishan,

Sidoo kale, waxa iyana su’aal la iska weydiiyay sababta wasiirka arrimaha dibadda loogu diray shirkaas mar haddii arrimaha laga hadlayay ay ahaayeen kuwo ganacsi.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay inta badan mucaaradka Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyaan inay siyaasadiisa dibadu guur-guur badantahay.