Ardayda Kuliyadda Beeraha Ee Jaamacadda Hargeysa Oo Xalay Soo Bandhigay Daraasad Cilmi Ah

0
545

Picture1Hargeysa (Geeska) – Ardayda Kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa xalay hoolka Jaamacaddaasi ku soo bandhigay daraasad cilmi ah oo ay ku sameeyeen wax soo saarka Somaliland ka soo go’a iyo waxyaabaha kale ee laga beeri karo, si ay bulshada ugu tilmaamaan in Somaliland qani ku tahay wax soo saarka.

Munaasibad lagu soo bandhigay daraasadan oo ay soo bandhigeen ardayda Fasalka 2A ee Jaamacadda Hargeysa ka barata cilmiga beeraha, ayaa waxa ka soo qayb-galay ardayda faro badan oo ka socday  kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, aqoonyahan ka socday Hay’addaha kala duwan ee hawlahoodu ku taxaluqaan beeraha ee Somaliland ka shaqeeya, Wasiirka beeraha Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cali Maxamed Waran-cadde, Guddoomiyaha Jaamacadda iyo masuuliyiinta kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Hargeysa oo ay hoos tagto kuliyadda beeruhu.

Daraasadan ardaydu samaysay, ayaa waxa dadwaynihii halkaasi isugu yimid u sharaxday Badra Muuse Qaalib oo ka mid ahayd ardayda daraasad samaynteeda u tagay deegaanada Galbeedka Somaliland, si ay u soo raadiyaan ama baadhitaan ugu soo sameeyaan dalagyada Somaliland ka baxa, sida ay u baxaan iyo sida looga faa’ideysan karo, waxayna sheegtay inay dhul badan soo mareen iyadda iyo ardayda kale ee kuliyaddaasi barta, waxayna sheegtay in daraasadooda ku soo ogaadeen in Somaliland qani ku tahay dalagyada kala duwan ee hadda dalka dibadiisa Somaliland looga soo dhoofiyo, iyadda oo sidoo kalena iyadda iyo ardaydii kale ee daraasadan sameeyay ay si la taaban karo u soo bandhigeen dalagyadaasi oo ay ka diyaariyeen cuntooyin kale, kuwaasi oo dhammaantood la cunay intii ay socotay Munaasibadii lagu soo bandhigay daraasadani.

Badra, waxay sheegtay inay ogaadeen in Somaliland hodan ku tahay wax soo saarka, isla-markaana daraasadooda taasi ku soo ogaadeen “Markaanu qaadanaynay war-bixinada daraasadan, waxaanu ogaanay in dalkan Somaliland wax kasta laga heli karo oo laga soo saari karo” ayay tidhi.

Sidoo kale, ardayda daraasadan ka qayb-qaadatay ayaa halkaasi ku soo bandhigay baaxada cilmiga beeraha, waxayna tusaalayaal u soo qaateen Aayaad qur’aamka Kariimka ah ku jira, kuwaasi Alle (SW) kaga hadlay muhiimada beeraha iyo sida Alle addoomihiisa ugu nimceeyay.

Munaasibadan oo ay sidoo kale ka hadleen xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ah macalimiinta kuliyaddaasi ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo Dr Aaden Cilmi Cabdilaahi oo ah aqoonyahan shahaadada PhD ku qaatay cilmiga beeraha, waxayna labadaoduba halkaasi ka soo jeediyeen weedho ay shacabka reer Somaliland kula dardaarmayaan inay dhulkooda ka faa’ideystaan, si dalka iyo dadku isku filaansho u gaadho.

Dr Aaden Cilmi Cabdilaahi, oo isagu si gaar ah ardayda ula hadlay ayaa yidhi “Waxaad ku jirtaan kuliyad fiican oo aad dalkiina wax ugu qaban kartaan, dawladdana waxa looga baahan yahay inay kuliyaddan taageerto”

Munaasibadan oo weedho dhiirigalin iyo guubaabin ah ka soo jeediyeen Cali Maxamed Wara-cadde, Axmed Xasan Cigaal iyo Marwo Faadumo Siciid, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Guddoomiyaha Kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyada Axmed Maxamed Cadaad, waxaanu sheegay in kuliyada Sayniska ee beeruhu ka mid yihiin ay lix sanadood ka hor dhigan jireen arday dhan 70, balse ay hadda dhigtaan ilaa 1000 arday, taasina muujinayso muhiimada Sayniska, isaga oo xusay inay taasi muujinayso in sanooyinka soo socda ay Somaliland u soo bixi doonaan dad aqoon leh oo dadkooda iyo dalkooba wax u qabta, waxaanu amaanay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Gaas oo laftiisu halkaasi ka hadlay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku hambalyeeyay dedaalka u galeen inay sameeyaan daraasad muujinaysa in Somaliland wax kasta laga beeri karo ama laga soo saari karo.

Munaasibada oo uu sidoo kale hadal hambalyo iyo dhiirigalin u badnaa ka soo jeediyay Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaarada beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole, oo sheegay inuu ardayda kuliyadda Sayniska u keeni doono laba lap oo ardaydu ka codsatay.