Xukunnadii Yaabka Lahaa Ee Qaraqoosh: Gabadhii Kafanta U Weyday Saygeeda Iyo Tuuggii Guriga Xaday

31
2867

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo qayb ka ah taxanihii aynu kaga warrannay taariikhda amiirkii Qaraqoosh lagu magacaabi jiray, waxa aynu ku eegaynaa xukunnadiisii yaabka lahaa, ee sababta u noqday in lagu murmo nin xikmad iyo caqli badan iyo doqon keligii taliye ah midka uu yahay.

Qaraqoosh iyo gabadhii kafanta u weyday odaygeeda

Qaraqoosh waxaa caado u ahayd in uu sannad kasta mar dadka faqiirka ah iyo kuwa baahan u qaybiyo lacag aad u badan. maalin ka mid ah kalkii lacag qaybinta, oo laakiin uu dhammeeyey hawshii qaybinta lacagta, ayaa waxaa u timid gabadh ka mid ah raciyaddiisa, iyada oo ka cabanaysa in ninkeeda oo maanta geeriyooday ay u weyday lacag yar oo ay kafan u soo siiso, kana baryeysa in uu kafantaas ka bixiyo.

Qaraqoosh,halkii laga filayey in uu dhaqso lacagta kafanta u dhiibo, ayaa uu gabadhii ku yidhi, “Lacagtii samofalka ahayd ee aan doorkan ugu talagalay in aan qaybiyo, waa aan dhammeeyey, markaa iska noqon oo sannadka dambe ii kaalay si aan kuu siiyo lacagta kafanta.

Qaraqoosh iyo tuuggii

Ninbaa amiirkii Qaraqoosh uga soo cawday in tuug gurigiisa soo galay oo alaab ka xaday. Qaraqoosh waxa uu isugu yeedhay dadkii xaafadda deggenaa oo dhan, kaddib masuuliyiintii xaafadda oo goobta joogay ayaa uu weydiiyey, ‘In uu xidhnaa albaabka xaafaddu’ Xaafad kasta waxa uu hore ugu sameeyey deyr ku wareegsan iyo albaab u gaar ah oo habeenkii loo xidho. Masuuliyiintii waxa ay amiirka u sheegeen in albaabku uu xidhnaa. Qaraqoosh waxa uu amray in albaabkii la soo gooyo oo fagaaraha la keeno. Markii loo keenay inta uu dadkii oo dhan oo arkaya, albaabkii ku dhowaaday oo uu hadal xanshaashaq ah ka ag yidhi, ayaa uu dhegta saaray sida ruux jawaab xanshaashaq ah ka sugaya.

Kaddib inta uu dadkii ku soo jeestay ayaa uu yidhi, ‘Albaabka waxa aan weydiiyey qofka uu yahay tuugga xalay alaabta uu xaday la dhaafay’. Waxa uu albaabku igu jawaabay in tuuggaasi uu ahaa nin madaxa uu baal shimbireed u saaran yahay.

Qaraqoosh marka uu hadalladan lahaa waxa uu eegayey shucuurta dadka agtuban. Waxa uu arkay nin raggii goobta uu ku soo ururiyey ka mid ah oo gacanta madaxa marinaya si uu u hubiyo in bal baal ka saaran yahay. Qaraqoosh ninkii ayaa uu qabtay, dadkii kalana waa uu wada fasaxay. Ninkii xabsiga ayaa la geeyey waana la ciqaabay illaa uu qirtay in uu isagu ahaa tuuggii alaabta xaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here