Hetty Green: Qisada Gabadhii Maraykan Ugu Bakhaylsanayd Taariikhda Inta La Og Yahay (Q. 1)

26
2918

Washington (Geeska)- Hetty Green waxaa loo aqoonsan yahay in ay ka mid tahay dumarkii ugu caansanaa ee soo maray taariikhda dalka Maraykanka. waxa aanu iyada magaceedu si gaar ah ugu caanbaxay bakhaylnimo aad u daran. Inkasta oo ay haystay adduun aad u badan, haddana habdhaqannada yaabka leh ee Hetty lagu arkayey waxa ay ahaayeen kuwo sabab u noqday in taariikhda ay u gashay in ay tahay gabadhii ugu bakhaylsanayd taariikhda inta la ogyahay.

Hetty oo qoyskoodu uu ahaa maalqabeen waxa ay sannadkii 1834 kii ku dhalatay gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka. Hetty oo aabaheed uu ganacsade ahaa waxa ay ahayd inanta keliya ee uu dhalay. Maadaama oo ay dhalatay hooyadeed oo xanuunsanaysa, nolosheeda inta ugu badan waxaa soo barbaariyey aabaheed iyo awoowgeed. Yaraanteedii waxa ay awoowgeed ka baratay sida lacagta loo madhxisto iyo sida ugu habboon ee loo isticmaalo. Waxa kale oo iyada oo yar ay xariifad ku noqotay fahamka warbixinaha suuqa saamiyada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Hetty Green iyo labbiskeeda madoobaa

Qiyaasihii sannadkii 1865 kii, oo ahayd waxyar kaddib markii uu aabaheed geeriyooday, Hetty waxa ay dhaxashay hanti waqtigaas aad u badnayd oo lagu qiyaaso illaa 7 Milyan oo doolar, taas oo qiime ahaan  u dhiganta lacag ka badan 107 Milyan oo doolar oo maanta jooga. Markii ay soddon jir gaadhay waxa ay Hetty bilowday in ay iyadu ku shaqayso hantideeda, waxa ay dhexgashay suuqa maalgashiga, gaar ahaan shirkadaha dhabbaha tareenka.

Sannadkii 1907 Hetty Green waxa ay dareentay xaalad xasiloonidarro oo xilligaas soo foodsaartay dhaqaalaha Maraykanka, waxa ay qaadatay go’aan aad u fiicnaa oo markii dambe la dareemay waxtarkiisa. Markii dhaqaalo xumaantu dhacday waxa ay degdeg u bixisay dhammaan deymihii lagu lahaa, kaddib lacagtii u soo hadhay ayaa ay ku iibsatay saamiyadii iyo hantidii maguurtada ahayd ee la xaraashayey dhaqaale xumada dhacday awgeed. Markii xaaladdii dhaqaale xumo laga baxayna waxa ay dib u iibisay hantidaas iyo saamiyadaas lacagta qiimaha jaban ku soo galay oo aad u qaaliyoobay. Halkaas oo ay lacag aad u badan ka faa’iidday.

Hetty Green waxa ay si aad ah isaga ilaalin jirtay xidhiidhada ragga, oo ay aaminsanayd in ragga niyaddoodu ay mar kastaba tahay sidii ay hantideeda wax uga heli lahaayeen. Sidaa awgeed waxa ay aad uga dib dhacday guurka oo ay markii ugu horreysay da’deeda oo 33 sano jir ah guursatay nin lagu magacaabo Edward Henry Green. Hetty waxa ay ninkan u dhashay laba wiil oo ay u bixisay Ned iyo Silvio.

Guurka Hetty iyo Edward guurkoodu ma’ uu waarin, waayo tan iyo markii ay is guursadeen ninkan waxa ay Hetty qabtay shaki ah in ninkan uu damac ka hayo lacagteeda, sababtaas ayaanu ugu dambayntii guurkoodu ku burburay, kaddib markii uu agteeda ka dheeraaday Edward oo la sheegay in uu khaati ka joogsaday ereyada ay ku haaraamayso iyada oo ku tuhunsan in uu lacagteeda ku socdo. Edward muddo dheer ayaa uu goonidiisa u noolaa in kasta oo aanay is furin. Mar dambe oo Edward uu cudur aan dawo lahayni ku dhacay ayaa ay Hetty ka daba tagtay si ay u daryeesho odaygeeda oo bilo uu xanuun ba’ani hayey kaddib geeriyooday sannadkii 1902 dii.

Hetty Green markii uu odaygeedu geeriyooday waxa ay bilowday in ay xidhato dhar madow oo aanay iska beddelin tan iyo markii ay iyaduna geeriyootay, waana sababta intii dambe ee nolosheeda ay qaar ka mid ah wargeysyada arrimaha dhaqaalaha ka faalloodaa ugu magacaabi jireen, ‘Tukaha suuqa saamiyada’.

Sannadkii 1916 kii ayaa uu wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanku qoray warbixin uu ku sheegay in hantida Marwo Hetty Green ay gaadhayso illaa 200 oo Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo maanta la qiime ah, 4 iyo badh Bilyan oo doolar. Waxa aanay warbixintu Hetty u aqoonsatay gabadhii ugu maalqabeensanayd ee abid soo martay taariikhda Maraykanka.

Bakhaylnimadii

Inkasta oo ay Hetty sidaa maalqabeen u ahayd, haddana waxa ay ahayd bakhaylad illaa heer aan loo dulqaadan karin ah. Waxa ay carruurteeda ugu labbisi jirtay dhar ay uga soo iibiso suuqa dharka la soo isticmaalo, waxa aanay cunto uga dhigi jirtay, hadba cuntada ugu qiimaha jaban ee suuqa laga heli karo. Waxaa yaab leh in mar uu wiilkeeda Ted si khatar ah ugu dhaawacmay shil gaadhi oo aad u fool xumaa, halkii cid kastaa ay ka filaysay in ay wiilkeeda u dirto cisbitaallada gaarka loo leeyahay ee lacagta badan qaata, Hetty waxa ay geysay cisbitaal dadweyne oo loogu talagalay dadka faqiirka ah. laakiin waxaa xiise gaarah leh, in markii maamulkii cisbitaalku uu dhaqso u ogaaday in gabadhani ay maalqabeen tahay, uu qaatay go’aan ah in gabadhan lacag badan laga qaado, maadaama oo cisbitaalkan cidda loogu talagalay ay tahay faqiirka, iyaduna iyada oo ladan adeeggii ku cidhiidhyeyso dadka baahan.

Waxa ay dhakhaatiirtu gabadhan bakhayladda ahayd ku wargeliyeen in ay iska bixiso lacag la mid ah ta lagu bixiyo cisbitaallada caadiga ah arrintaas oo ku qasabtay in ay cisbitaalka ka baxdo oo mar haddii ay lacag bixin u tahay ay raadsato cisbitaal kan ka sii fiican.

Bakhalynimada hooyadii awgeed Ned isaga oo cisbitaal fiican la geeyey, haddana ma’ uu wada helin daweyntii uu u baahnaa, oo dabcan ku xidhnayd lacago dheeraad ah in ay hooyadii bixiso. Maalmo kaddib lugtii uu dhaawaca weynu ka soo gaadhay dawo xumaysi awgeed ayaa ay qudhuntay, waxa aana qasab noqotay in lagu sameeyo qalniin lugta lagaga jaray. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here