Geeska Afrika Oo Cabdiraxmaan-Cirro La Yeeshay Waraysi Uu Kaga Hadlay Muddo Kordhinta, Diidmada Saleban, Siyaada Dibadda Ee Rayale Iyo Silanyo & Qodobo Kale

0
532

Picture8Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan CIrro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay ka gaadheen muddo kordhinta Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu, mawqifka uu taagan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, iyo sida uu xal u arko.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo wareysi dhinacayo badan taabanaya siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay hankiisa ah inuu qabto xilka dalka ugu sareeya ee Madaxweyne, inuu diyaar u yahay in xisbiga gudihiisa lagula tartamo, isbarbar dhiga Xukluumaddihii dalka ugu dambeeyey, Siyaasada Arrimaha Dibada  ee Xukuumaddan iyo Xukuumadidi hore ee uu Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa.  Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, waxaanu xusay in xukuumaddani aanay wax heshiis ah oo ay gashay aanay Golaha hor keenin, waxaanu sidoo kale ka hadlay sida ay Somaliland ku heli karto aqoonsi, iyo arimo kale. Waraysiga uu Geeska Afrika la yeeshay Cabdiraxmaa-Cirro wuxuu u dhacay sidan;

Guddoomiye sidee ayaad u aragtaa Muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada?

Somaliland marxalado badan ayey soo martay khilaafkuna bila’aadanka noloshiisa ayuu ka mid yahay, markii ugu horeeysay ee Doorasho iyo muddo kordhin la isku khilaafana may ahayn, khilaafku uu yimid waa la is khilaafay, waa la wada hadlay, waxaana u arkaa in xalkii la gaadhay uu dhaw yahayna inuu dhammaado,

Khilaaf siyaasadeed kadib Xisbiyada Mucaaradka, XIsbiga taladda dalka haya iyo Xukuumaddu go’aan ayey ka soo saareen muddo kordhinta, oo wakhti ka dhaw xilligii Guurtidu u cayintay ayaad ku heshiiseen, Guddoomiyaha Golaha Guurtiduna uu qaadacay ee ka waran?

Saleebaan Maxamuud Aadan waa Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu odey ka yahay Golaha Guurtida, waa Oday reer Somaliland ah, waxaana rajaynayaa xalka guud ee la gaadhay in Golaha Guurtiduna ay ka mid noqon donaan haddii ILLAAHAY ka dhigo,

Adigu waxaad tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, muddo kordhintana qeyb ayaad ka tahay, oo Golaha Wakiiladu wey ku jiraan muddo kordhinta ee maxaad u diidan tahay?

Muddo kordhintu xaalad ayey ku timaada xaalad uu Wadanku heshiis ku yahay ayaa jirtay, oo komishanku soo jeediyey, Saddexda XIsbina ay ku raaceen macal Xukuumad, Madaxweynuhuna ku raacay marka muddadaas la isla ogol yahay khilaaf la’aan ayey ahayd, waana la isku wada waafaqsanaa, tan dambe ee khilaafku ka yimidna waxa ay ahayd mid aan la isla ogolayn, runtiina anigu Gole ayaan masuul ka ahay waxaana laga yaaba in dadka qaar badani ay yidhaadaan adiguna waad ku jirtay muddo kordhita, laakiin anigu mar walba waxa aan leeyahay muddo kordhinta inaga daayo doorashada inoo qabta.

Adigu waxa aad tahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, waxaad doonaysaa inaad noqoto Madaxweynaha dalka, markaas maxa kugu dhaliyey inaad hiigsato ama aad ku hamido hoggaanka sare ee dalka?

Waxaan is leeyahay qof walba oo reer Somaliland ahi uu u furan yahay inuu hankaas yeesho inuu Madaxweyne doonto, inuu Gudddoomiye Barlamaan doonto, in darajooyinka Wadanka tuu doono u tartamo,waxaana ka mid ahay muwaadiinta reer Somaliland ee hankoodu ku jiro inay u tartamaan kursiga madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland

Maadama aad tahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani diyaar ma u tahay in Xisbiga dhexdiisa lagula tartano Musharaxnimada xilka Madaxweyne?

Haa diyaar ayaan u ahay

Waxaad ka warantaa marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen Xukuumaddihii dalka u kala dambeeyey ?

Mid walba duruuf gaar ah ayey la soo kulmay Cabdiraxmaan iyada oo markaas dalka la soo galay oo aanay waxba inoo dhisnay ayuu la soo kulmay, waxay ila tahay wakhtigiisi si sharaf leh ayuu ku dhammaystay wakhtigii loogu talagayna uu wareejiyey, si  midnimo leh ayuu ku wareejiyey, Madaxweyne Cigaalna qaabka(structure) qaranimada hadda jira isaga ayaa aasaaskiisa lahaa, Madaxweyne Rayaalena geedi socodkii halkii ayuu ka sii waday, Doorashooyin badan ayuu inoo sameeyey, mar kasta khilaafaad wey iska imanayeen Madaxweyne Sillaanyo barnaamijkiisu waxa uu isku dayey inuu hirgaliyo anigu waxa aan is leeyahay inta uu qaban karaaayey waa uu qabtay, wuxuu qaban kari waayana halkaas ayaa laga sii wadayaa,

Haddii aad is barbar dhig ku sameeyso Siyaasada Arrimaha Dibada iyo Siyaasada Arrimaha Guddaha Xukuumaddii  Daahir Rayaale Iyo Xukuumaddan ka waran?

Waxaan is leeyahay Siyaasada Arrimaha Dibada wakhtigii Daahir Rayaale Wadamada jaarka iyo saaxibo badanba wey lahayd laakiin waxa ay u eegtay intii Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo jirtay inay Saaxibadeen sii yaranayaan, saaxibo badana aynu inaga sii lumayaan, qaar inoo soo biirayna aanay jirin, waxaan is leeyahay qof walba wax uu qabtay waxna uu ka tagayaa

Siyaasada Arrimaha Guddaha marka aad eegto dhisme wuu jiray ama Ciidanka ha noqoto Booliska ama Ciidanka amniga ama Xuduudaha, balse waxa aan is leeyahay duruufo badan oo aan barrigii jirin ama Gobolka Sool ha ka jiraan ama Gobolka Awdal ha ka jiraane ayaa soo kordhay, markaas xaalada taagan ayey ku xidhan tahay, wey iska jiraan ayaan is leeyahay hoos u dhac ama xaalado amni daro intii Xukuumaddan Axmed Maxamuud Siillaanyo taladda dalka la wareegtay,

Inta badan Xildhibaanada Mucaaradka waxa ay yidhaadan Xukuumaddu wax heshiis ah ma keento Golaha ee ka waran

Barlamaanka marka la eego Dawlalddii Daahir Rayaale may keenin, Dawladda Sillaanyo-na may keeenin, Siillaanyo Barnaamijkiisa ayey ku qornayd, waxyaabaha uu Xukuumaddii hore uu ku dhaliili jiray ayey ahayd in Barlamaanka heshiisyada la keenin, hasa yeeshe isaguna dhegaha ayuu ka furaystay intii uu xukunka fadhiyey.

Guddoomiye maadaama oo aad soo ahaan jirtay diblomaasi wadamo badan hore uga soo shaqeeyey, side ayaad u malayn kartaa in lagu heli karo aqoonsi caalami ah?.

Anigu waxaan marka hore isleeyahay xukuumadda ayaa uu saaran yahay in ay  raadiso aqoonsi caalami ah, laakiin in aynu ka wada shaqeyno waa ay tahay, Ictiraarkuna waxaa uu ku xidhan yahay saaxiibadaada amma dawlado ha noqdaan ama shaqsiyaad ha noqdaane, waxaan isleeyahay wax badan innoo may soo kordhin intii uu jiray maamulka Axmed Maxamed Siilaanyo jiray, waxaanan filayaa halkaa ay imika taagan tahay in ay wax hagranayeen oo xukuumaddu ay wax hagranaysay ilama ah, intii ay qabatay iyo intii ay qaban kari weydayba haddii ay soo noqdaana iyaga ayaa halkii ka sii wadi doona, hadii cid kale timaadana halkaas in ay ka sii wadaan ayaa mas’uuliyadu ka saaran tahay, waxaana aan isleeyahay in ay aynu aad u shaqeyno oo gudiyo gaar ah iyo kharash gaar ahba loo sameeyo. Madaxweyne Siillaanyo markii uu ahaa Mucaaradka waxa uu ku ololayn jiray haddii aan xilka madaxtinimo ee dalka aan ku guulaysto waxa aan dhisi doonaa dawladda tiro yar tayana leh, imikana Golihiisa  Wasiiraddu aad ayey u badan yihiin ee ka waran?

Madaxweyne Axmed dawladdaas uu dadka u sheegayey ee kooban wuu sameeyey, dawladdiisi ugu horeeysayna 16-wasiir ayey ahayd, Kulmiye Daahir Rayaale waxa uu ku dhaliili jiray Dawlad balaadhan oo dhawr iyo afartan Wasiir ah ayuu sameeyey, balse ta Sillaanyo waa lixdan ayaa la yidh, waxa ay ila tahay odaygu xaga dambe ayuu ka furay bahashii ee markii ugu horeeysay anigu dadkii ku raacsanaa ayaan ahaa inuu dawlad koobo, aadbaana ugu raacsanaa, waxaana ay u baahan tahay in la daraaseeyo oo waxa ugu yar ee lagu shaqeyn karo loo sameeyo oo dee dadkuna iska deegaamo weeyaan oo waxbay doonayaan se waxaan isleeyahay haddii uu ku wadi lahaa taa kooban ee uu sameeyey dadku waa ay ku wada qanacsanaayeen markaa.

Waxa jirta in Xukuumaddu dad gaar ah ku wareejisay Warshadihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera isla markaana saami aad u yar ku yeelatay ee bal ka waran? Waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha dadka taabanaya ee Laydhka iyo Biyo ay ka mid yihiin ee qofka toos u taabanaya, waxa aanu aqoonsan ahay inay inta ay dawladdu gacanta ku hayn karto inay ku hayso,anaguna waxa aanu rumaysnayn inay haboonayd in gacanta dawladdo ay ku jirto, mabdayina waxa aanu qabnay inay Warshadahaasi aanay gacanta dawladda ka bixin warshadaasi.

S-Waxaad ka waranta Dekada Berbera iyo maalgelinteeda sida aad u aragto”

Dekadu waxa ay u baahan tahay in kor loo qaado si aynu ula tartano Wadamada aynu jaarka nahay,  tayadeeda, si ay ugu adeegto Itoobiya oo aynu jaar nahay, oo u baahan adeegaas, markaas in la casriyeeyo ayey u baahan tahay, Xukuumadda waxa laga doonayey waxan ay waddo inay dadku ogaadan, Shacabkana u soo bandhigto, laakiin xan ayey u bateen iyo shirkad hebel ayaa la siinayaa, Xukuumadda lafteeda waxa aan is leeyahay ma wada oga, waxa laga yaaba inayh in yari og tahay, waxaana loo baahan yahay in si kalsooni ku jirto loo soo bandhigo.

Guddoomiye haddii aan ku weydiiyo Su’aal shaqsiya  maxaad jeceshay, maxaad se neceb tahay?

Waxa aan jecel ahay Nabada oo ah wax qaaliya, waxa aan jecel ahay wanaaga iyo horumarka, waxa aan neceb ahay dhibka, qaska cadaalad darada, dib u dhaca iyo horumar la’aanta ,

Ugu dambeytii bulshada maxaad ugu baaqaysaa?

Waxaan ugu baaqayaa in la illaaliyo midnimada, waa la tartamayaa, cidina cid lama col aha haddii ay Kulmiye iyo Waddani tartamaan, haddii xukuumadda wax laga sheego, waxaa ay ila tahay wax ka wanaagsan uun in la doonaayo waxa aynu gacanta ku hayno, markaa wadankana in aynu wada illaashano nabad galyadana aan wada illaa shano, doorashadana dhiiri galino, tartankana aan dhiiri galino, gacan ka hadalkana aan wada hadal ku bedelno ayaa soo jeedinayaa.