Toddobaadadii u dambeeyey Maraykanka aad looga hadal hayey dubarlax (Xoon) dilaa ah oo khatar ku haya nolosha dadka. Cayayaankan oo asalkiisu ka yimi qaaradda Aasiya, balse aan la garanayn habka uu Maraykanka ku yimi, dhererkiisu waa qiyaas ah 6 Sentimitir, sidaas awgeed waxaa loo aqoonsaday in uu yahay duburlaxa (Xoonka) adduunka ugu weyn. Qaniinyadiisuna waxa ay awood u leedahay in ay qofka disho, gaar ahaan haddii uu dhowr jeer oo is xigta qofka ama xayawaanka kale qaniino. Isaga oo leh qaniinyo micideedu ka gudbi karto dharka uu qofku xidhan yahay, xitaa haddii uu yahay dharka laga xidho qaniinyada shinnida. Isla markaana dilaysa qofku xitaa haddii aanu xasaasiyad ku lahayn qaniinyada xasharaadka. Dagaalka ugu badan waxa uu kula jira shinnida oo iyadu ah cayayaan faa’iido badan u leh aadamaha, unugta shinni malabka ah inta uu ku soo dhex dhaco ayaa uu saacado gudahood kaga takhalusayaa isaga oo midka uu qabtaba madaxa ka jaraya kaddibna qaadanaya si uu cunto uga dhigo dhashiisa.
Xasharaadkan cabsida badan abuuray ayaa markii koowaad lagu arkay magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka, waxa aanay jirta cabsi ay dawladdu ka qabto in uu dalka ku faafsan yahay.
Baraha bulshada ee ay adeegsadaan dadka Maraykanka ah ayaa si aad ah loogu faafinayaa muuqaallo sawirro iyo maqal iyo muuqaal isugu jira oo laga qaaday cayayaankan weyn oo leh indho bannaanka u soo baxsan iyo muuqaal cabsi leh.
Hay’adaha ku shaqada leh la dagaalanka xasharaadka ayaa bilaabay dadaallo ay ku baadhayaan halka uu Xasharaadkani ku tarmo si ay u dabargooyaan ka hor inta aanu Maraykanka ku faafin.
Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegaya in qaniinyada kaddib uu cayayaankani sii deynayo sun awood badan oo dhalaalinaysa guryaha shinnida, iyo shinnida laftigeeda. Waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu suntaas ku dilo xayawaannada waaweyn iyo xitaa dadka.
Cayayaankan ayaa caan ka ah dalalka Jabbaan iyo Shiinaha oo uu sannad kasta tobannaan qof ku dilo. Jun Ishii Takashi oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Kyoto Sangyo ee dalka Jabbaan ayaa sheegaysa in cayayaankani uu dabeecad u leeyahay in uu kooxo tiro badan isu raaco, kaddibna weerar wadareed ku qaado dadka iyo xayawaankaba. Isaga oo intaas ku daray in uu leeyahay sun la mid ah suntan abeesada dilaaga ah. taas oo ah sababta siisay awoodda uu qofka qaniinyo ku dilayo.
Majaladda National Geographic ayaa sheegaysa in aan illaa hadda la haynin sida uu xasharaadkani kuga soo gudbay dhulka uu asal ahaan ku dillaaco ee Bariga Aasiya iyo Jabbaan, kuna soo gaadhay Maraykanka. Laakiin Chris Looney oo ku xeeldheer cilmiga xasharaadka, kana tirsan wasaaradda beeraha ee gobalka Washington ayaa sheegaysa in ay suurtagal tahay in xasharaadkani uu soo raacay kontiinnarrada ama qalabka la midka ah ee laga soo raro dalka uu ku noolyahay.
Shinnida Yurub ayaa ay khubaradu sheegayaan in aanay lahayn awood ay iskaga difaacdo Duburlaxan, laakiin shinnida Jabbaan waxa ay la dhacdaa baalashadeeda si ay kor ugu qaaddo heerkulkooda, taas oo sababta in xasharaadkani uu ku neefqabatoobo Kaarboon laba ogsaydhka (Carbon dioxide).
Duburlaxan ayaa u nool qaab kooxo ah oo sida shinnida ka kooban boqortooyooyin, waxa aanay boqortooyo kastaa leedahay tiro shaqaale ah, oo qadhaabka soo gura. Waxa uu awood u leeyahay in uu dhowr mayl duulo si uu u soo helo qadhaab, waxa aanu cunaa noocyo tiro badan oo ka mid ah xasharaadka, waxa se uu si gaar ah u jecelyahay cunista shinnida.