Daraasad Hordhac Ah Oo Rejo Ka Muujisay In Coronavirus Uu U Ilko Beeli Doono Sida Fayraskii SARS

0
688

Daraasad hordhac ah oo lagu sameeyey xaaladda hadda ee Fayraska Corona ayaa muujinaysa in uu isbeddel dhinaca abuurta ahi ku dhacay, si la mid ah sidii ku dhacday fayraskii ay isku dabeecadda ahaayeen ee SARS.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegayaan in shaybaadh lagu sameeyey saambal laga qaaday bukaan qaba COVID-19 ay muujinayaan is ‘Coronavirus’ uu daciifay taasina ay abuurayso rajada ah in uu ku dhaco dhallangeddis hidde side oo meesha ka saara khatartiisa. Dhallangeddiskaas ayaa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in uu shabbaho kii ku dhacay fayraskii sida daran neefmareenka u weerari jiray ee SARS oo dillaacay sannadihii 2003 iyo 2004, sida lagu caddeeyey qabyo-qoraalka cilmibaadhis 1-dii bisha Meey lagu daabacay joornaalka ka warramaha arrimaha Fayrasyada ee Virology.

Cilmibaadheyaashan oo ka tirsan jaamacadda Arizona intii ay tijaabada wadeen waxa ay shaybaadheen 383 saambal oo laga qaaday dad hore looga helay xanuunka COVID-19, waxaana soo baxday isbeddel ku dhacay abuurta hiddeside ee fayraska, gaar ahaan isbeddel laga arkay abuurta bu’aha muhiimka u ah Fayraskan. Isbeddelkan oo haddii uu dhaco macnihiisu yahay in uu yaraynayo badqabkii iyo awooddii waxyeello ee Fayraskani uu yeelan karo.

Waxaa xusid mudan in daraasaddani ay weli qabyo tahay oo aan lagu go’aan qaadan Karin, waxa se muuqata rajo badan oo laga qabo in jidhka aadamaha ee uu Fayraskani ku dhacay uu samaysto walxo liddi jidh-gale ah, taasina ugu dambaynta Fayraska ka dhigto mid ilka beela.