Somaliland: Dad Kale Oo U Dhintay Covid_19 Iyo Kuwo Cusub Oo Soo Ritay

0
680

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Maanta Shaacisay Tirada Dad Hor leh oo laga helay Xanuunka iyo weliba Hal Qof oo u Geeriyooday Xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid_19 Warbaahinta siiyay ayaa shaaciyey Kiisas cusub.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in Sabtida Maanta Xanuunka laga helay 11 Qof oo cusub, taasi oo tirade Dadka Xanuunka qaba ee Somaliland ka jooga ka dhigaysa 34 Qof.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in hal qof oo kalena u Geeriyooday Covid_19, kaasi oo tirada Dadka Xanuunka dalka ugu Geeriyooday ka dhigaysa 4 Qof.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in bogsashadu tahay 3 Qof, halka Dadka la karantiilay dhan yihiin 64 Qof.

Somaliland ayaa dhawaan Hawl-gelisay Mishiinka lagu ogaado Dadka qaba xanuunka Covid_19, kaasi oo ay ka heshay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxaana illaa xilligaa la joojiyey Dheecaannadii dalka dibeddiisa lagu soo baadhi jiray.

Geeska.net/Hargeisa Office