Dalwada Soomaaliya Oo Xukuumada Sweden Wax Ka Weydiisay Socdaal La Filayay Inuu Madaxweyne Biixi Ku Tago Dalkaas

0
831

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Sweden ayaa dawladda Soomaaliya ku wargelisay inaanay wax shaqo ah ku lahayn socdaal la filayay  in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Sweden, laakiin hadda ay cadaatay inuu baaqday.

Xildhibaan Magnus Oscarson ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi Sweden tagi doono toddobaadkan.

Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya xidhiidh la samaysay safaaradda ay Sweden ku leedahay Nayrobi iyo weliba xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo ay ka dalbatay inay faahfaahin ka siiyaan socdaalka Madaxweyne Biixi, waxaanay sida ay xogahani sheegeen ay dawladda Sweden ku wargelisay dawladda Soomaaliya inaanay ka xukuumad ahaan wax lug ah ku lahayn socdaalka Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, balse ay socdaalkaas ka shaqaynayeen jaaliyadda Somaliland iyo dad la shaqeeya oo aanay Sweden magacaabin kuwa ay yihiin.

Madaxweyne Biixi oo hadda ka baaqday socdaal la filayay inuu maalmahan  ku tago dalka Sweden, ayaa waxa socdaalkiisa qaban qaabinayay xildhibaan Magnus Oscarson oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kana mid ah golaha saaxiibada Baarlamaanka Sweden iyo Soomaalida, waxaanu sida uu xikdhibaanku ku sheegay qoraal uu soo saaray la filayay in Madaxweyne Biixi kulan uu xildhibaankani abaabulayay ka jeedin doonaa mawduuc ku saabsan sida ay Somaliland ugu suurtogashay inay dimuqraadiyad hirgeliyaan iyadoo ay dalalka kale ee gobalka Geeska Afrika ku fashilmeen inay dalalkooda dimquraadiyad ka hirgeliyaan.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay maalmahan tagaan dalka sweden oo ay ka qayb galaan kulankaas la filayay in madaxweyne Biixi ka qayb galo ee uu ka baaqday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here