Xogo La Xidhiidha Duulkii Quraanku Ka Warramay Ee Yuug-Yamaa-Yuug Daraasad Lagu Sheegay Halka Ay Ku Noolaayeen Qoomka Ya’juuj Iyo Ma’juuj… Ururintii Kamaal A. Cali (Q:1)

0
791

Qur’aanka Kariimka ah waxa uu Alle ku xusay qoom lagu magacaabo Ya’ juuj iyo ma’juuj oo ay Soomaalidu u taqaanno Yuug-yamaa-yuug. Sida ay qisada qoomkani Qur’aanka ku timidna marka ay faahfaahinayaan culimada uu ka mid ahaa Sheekhii weynaa ee Ibnu Cusaymiin, waxa ay ahayd markii nebi Muxammed (SCW) ay Qurshay rag ka mid ahaa ay weydiiyeen in uu uga warramo Dul-Qarnayn oo ah magac nin taariikhda Islaamka hortii caan ku ahaa, gaar ahaan ay dadka diimihii Islaamka ka horreeyey aaminsanaa aad uga sheekayn jireen.

In kasta oo ay jiraan culimo Dul-Qarnayn ku sheegtay in uu ahaa Nebi qaarna Malag ku tilmaameen, haddana sida ay u badan tahay waxa uu ahaa Boqor ka mid ah boqorradii dhulka soo maray, oo la xilli ahaa nebi Ibraahiim (CS).  Waxa uu ahaa addoon wanaagsan oo arlada oo dhanna ku wareegay isaga oo dadka ugu baaqaya in ay raacaan diinta toosan ee Alle kelidii Ilaahnimada u ogol. Waxa uu ahaa boqor dhisay nidaam oo gacan bir ah ku qabtay dadka diidanaa Islaamnimadaas. Boqor caddaali ah oo dulmiga iyo xad-gudubka aadamaha kala dagaalamay.

Boqorkan waxa uu Alle siiyey awood aadamaha aan lagu aqoon iyo boqornimo adduunka oo dhan uu kaga taliyey, isaga oo weliba u sakhiray sabab kasta oo uu cadowgiisa ku muquunin karo, una fududeeyey in uu halka uu doono sahal ku gaadhi karo, hawsha uu rabana dhaqso u qabsan karo.

Boqorkan adduunyada loo sakhiray oo socodkiisii cadaalad sugidda iyo diin faafinta ahaa ku gudo jira ayaa markii uu gaadhay qorrax ka dhaca adduunyada, ama sida culimada qaar leeyihiin halkii ugu galbeedaysay dhulka uu aadamuhu kaga noolaa arlada, waxa uu ugu tegey qoom aan iyagu haysan diintii toosnayd ee uu ku baaqayey cadaaladdiina ka dhex maqan tahay. Waxa aanu aanu ka dhex abuuray wanaag iyo cadaalad. Cidda u hoggaansami weyday ee dulmigii ku sii dhego-adaygtayna waxa uu mariyey ciqaabta ay mutaysteen.

Dul-Qarnayn markii la gaadhay waqtigii uu ka ambabixi lahaa dhulkan oo uu ka hirgeliyey doonistii Alle (SWT) dadkiisiina wanaag iyo iimaan wada gaadhsiiyey, waxa uu haddana u socdaalay qorrax ka soo bax, ama  dhinaca ugu bariyeysa dhulkii uu aadamuhu kaga noolaa arlada sida ay culimada qaar leeyihiin. Waxa aanu halkan ugu tegey qoom yaab leh oo ah kuwan aynu qormadan magacooda sumadda uga dhignay oo dhibaato iyo fasahaad ku haya dad dhulkaas ku dhaqan oo iyagu masaakiin ah, waa Yuug-yamaa-yuug ee.

Dadkii uu Dul-Qarnayn dhulkan ugu tegey oo sida la sheegay aanay af ahaa is fahmayn waxa ay ahaayeen ummad sida uu Alle (SWT) inoo sheegayo aanu iyaga iyo qorraxda u dhexeyn hu’ ay kulaylkeeda ka xidhaan, dhir ay ka hadh galaan iyo hoy ay ka hadhsadaan. Waxa ay culimadu sheegeen in kulaylka qorraxda awgeed ay maalintii godad u hoyan jireen, habeenkiina inta ay soo baxaan qadhaab iyo hawlahooda kale ku foofi jireen.

Aynu ku noqonno qoomkii fidnada badnaa ee Yuug-yamaa-yuug ee, waxa jira dad sheega in aanay ahayn Bani’aadam, qaarkoodna jin ku sheegaan, laakiin sida laga soo dhegtay xadiiska Nebiga (SCW) culimaduna xusayaan, waa bani’aadam. Balse waa qoom fasahaadka, iyo akhlaaqda diinta toosan ka fog caan ku ah, shaqadooda koowaadna tahay in ay burburiyaan maslaxadda makhluuqa Alle, wax dilaan, kuna kacaan ficil kasta oo Alle (SWT) dadkiisa uga digay.

Umadda uu Dul-Qarnayn u yimid oo sida aynu xusnay khaatiyaan ka taagnaa fasahaadka iyo dulmiga, diin la’aanta iyo dhaqan xumada Ya’ Juuj iyo Ma’juuj waxa ay boqorkii Dul-Qarnayn ahaa ka codsadeen in uu derbi adag ka dhex dhiso iyaga iyo Qoomkan dhibta leh, iyaga oo weliba u sheegay in ay shaqadiisaa ku mushahar siinayaan.

Dul-Qarnayn waa uu ka diiday mushahar, waxa aanu u sheegay in Alle siiyey wax ka badan kana fadli badan waxa ay sheegayaan.  Kadib  waxa  uu gudo galay fulinta codsigoodii oo waxa uu bilaabay dhismaha derbi yaab leh oo iyaga iyo qoomkan kala xidha. Arrimaha mucjisada ah ee ku jira waxaa ka mid ah; Waxa uu Dul-Qarnayn derbigan ka samayayey oo ay ka mid ahayd in xadiid inta uu isdul tuulay illaa ay buur le’ekaadeen uu yidhi dab weyn ha lagu shido,markaas uu xadiidkii noqday dab holcaya, kadib waxa uu haddana ku shubay naxaas dhalaalaysa oo markii ay meeshii oo dhan ku dhalaashay birihii uu is dul tuulay isku wada laxaamadday, illaa ay noqotay gidaar xadiid ah oo adag, oo korkiisa iyo hoostiisa midna aanay qoomkii dhibta badnaa ka soo gudbi karin.

Marka aynu intaas kaga hadhno macnaha guud ee Qur’aanka ka warramay qoomkan Ya’juuj iyo Ma’juuj, o sida aynu sheegnay ah qoom sidoo kale lagu xusay diintii Injiilka ee Nebi Ciise (CS) iyo Kitaabka Tawraad ee Nebi Muuse (CS) illaa haddana ku sugan kutubta xitaa ay haystaan dadka ku abtirsada Kiristaaka iyo Yuhuuddu.

Qormo qoomkan ka warramaysay oo dhowaan lagu qoray shabakadda Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in Ya’ juuj iyo Ma’juuj ay yihiin laba qabiil oo ka soo tafiirmay wiil ka mid ah wiilashii Nebi Nuux oo lagu magacaabo Yaafith.

Qormada qaybtan dambe ee qisadan  Yuug-yamaa-yuug uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waa ay ka duwan tahay qaybtaas hore ee uu Geeska Afrika isagu soo ururiyey isaga oo soo xiganaya culimo kala duwan. Waxa aanay xoogga saaraysaa oo ka warramaysaa daraasad laga sameeyey qoomkan oo qoraaga sameeyey uu ku doodayo in uu soo helay dhulkii uu qoomka Ya’juuj iyo Ma’juuj ku noolaa.

La soco…