Xogo Dheeraada Oo Ka Soo Baxay Safarka Madaxweynaha Ee Ingiriiska, Laba Qodob Oo Lagala Hadlayo Iyo Mawduuca Uu Isaguna Soo Bandhigayo

1
618

 

axmedHargeysa(Geeska)-Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya safarka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu ambo baxay magaalada London ee dalka Ingiriiska, Salaasadii doraad.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo war ka qortay safarka Madaxweyne Siilaanyo kuna baahisay barta ay ku leedahay internet ka, ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Ingiriiska ku tagay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Ingiriiska oo ay wada hadalo yeelan doonaan.

Wasaaradda khaarajiga Itoobiya waxay sheegtay in aan la baahin ajandaha kulankaas, laakiin ilo Somaliland ahi ay rajeeyeen in wada hallada ay la yeelan doonaan xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Mr. William Hauge, ay ku aaddanaan doonaan qaabka uu noqon doono, kulanka dib loogu bilaabayo wada hadallada Somaliland iyo Somaliya iyo weliba sidii ay Somaliland uga qayb geli lahayd shirka bisha May uu Ingiriisku u qabanayo Somalida.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxa kale oo ay sheegtay inay u dhowdahay in Madaxweynaha Somaliland isaguna dawladda Ingiriiska u bandhigo dareenkiisa la xidhiidha digniintii ay dawladda Ingiriisku dhowaan ka bixisay amniga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo markii uu ka baxayay madaarka Hargeysa saxaafadda siiyay hadal kooban, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxyaabaha ay dawladda Ingiriisku kala hadlayso, waxase uu sheegay qodob uu isagu kala hadli doono oo la xidhiidha digniintii amni ee dawladda Ingiriiska.

Dawladda Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in shirka ay qabanayso bisha May ay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha UK David Cameron, waxaanay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland shirkaas ku tilmaameen mid ka qayb galkiisu uu yahay khiyaamo qaran.

Comments are closed.