Nuxurka Iyo Dulucda Khudbaddii Madaxweynaha :- Faallo: Xassan Cumar Hoorri

12
769

 

Warbaahinta dalka iyo dibedda, wargeysyada, idaacadaha, telifishannada iyo degelada Internet-ka waxaa toddobaadkan aad looga hadal hayay khudbaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu ka hor jeediyay Goleyaasha Qaranka. Qof kasta oo qalin ama mikrifoon u qaatay inuu ka falloodo khudbadda, waxaa habboonayd inuu marka hore si fiican uga bogto macnaheeda si uu bulshada ugu gudbiyo arrin uu soo lafo guray. Qormadani warcelin u ma aha qof kasta oo jecel inuu wax u duro, naciisa ama wax u amaano, rabitaankiisa.

Khudbadda Qaranka (The State of The Nation Speech) waxaa laga sugayaa Madaxweyne kasta, inuu ka soo jeediyo kal-fadhiga kowaad ee Goleyaasha Qaran. Waxaana shardi ah in laga warbixiyo qoddobo lagu asteeyay Dastuurka sida siyaasadda, barnaamijyada dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed iyo xaaladda nabadgelyo. Markaa, Madaxweyne “Siilaanyo” isagoo gudanaya xilkiisa, sida ku qeexan Qod.46aad, faqaradda 4aad ee Dastuurka JSL, waxaa uu warbixin sugan ka bixiyay qoddobada laga sugayay.

Haddaba, si loo qiimeeyo khudabaddii Madaxweynaha waxaa loo baahan yahay halbeeg looga qiyaas qaadan karo. Khudbadii (State of the Union Address) ee kal hore Madaxweyne Barack Obama ka jeediyay Golayaashiisa, waxaa uu ku soo qaaday dhaqaalaha, miisaaniyadda, shaqo- abuurka, nabadgelyada, la dagaalanka argagaxiso iyo siyaasadda arrimaha dibedda. Khudbadiisa sannadkan waxaa loo mudeeyay 12/02/2013. Haddaba, annaga oo ka cabbirayna erayadii uu ka jeediyay maalintii la caleemo saarayey, 21/01/2013, waxaan sii odorosi karnaa inuu ka hadli doono qoddobo ay ugu mudan yahiin koboca iyo dib u nolaynta dhaqaalaha, shaqo abuurka, wax ka bedelka xeerka isu-socd (immigration), xakamaynta qoriga iyo hubka gaarka ah, ammaanka, argagaxisada iyo xidhiidhka dibedda.

Sidoo kale, khudbadii Madaxweyaha waxaa lagu eegi karaa khudbadahii Madaxweynahii uu xilka kala wareegay. Daahir Riyaale. Nuxurka khudbadda waxaan ka xusaynaa dhowr qoddob oo madhaafaan ah.

1. Nabadgelyada: Nabadgelyadu waa hantida ugu weyn ee qaranku ku xisaabtamo iyadoo la geliyay tacab aad u faro badan. Madaxweynahu isagoo ka hadlaya qoddobkaa waxaa uu sheegay NABADDU inay leedahay mudnaanta kowaad ee qaranka. Waxaa uu tibaaxay in xukuumaddiisu nabadaysaay colaadahii ka taagnaa degaamada Ceelberdaale, Kalshaale iyo Buuhoodle. Intaas waxaa uu ku ladhay inay heshiis la galeen jabhaddii hubaysnayd ee SSC iyadoo maanta hoggaankii SSC ka mid yahiin Golaha Xukuumadda, sida Wasiirka Dib-u-dejinta Mudane Xaglatoosiye iyo Wassirka Nabadaynta Gobolada Bari, Mudane Kayse.

2. Hay’adaha Ammaanka Ka sokow rabitaanka shacabka, nabdda waxaa saldhig u ah hay’adaha ammaanka oo u xilsaaran difaaca, nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.Waxaa 100% la kordhiyay mushaharka ciidamada. Waxaana Madaxweynahu tilmaamay si kor loogu qaado tayada iyo adeegga ciidamada in si joogta ah loogu fidiyay tababarro, dalka gudahiisa iyo dibediisa. Isla markaa, waxaa uu carrabka ku dhuftay in derajadii ciidanka lagu taxi doono ciidan gaadhaya ilaa 5000.

3. Dimuqraadiyadda: Geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ayaa ah qoddobka 2aad ee mudanaanta ka leh dalkeenna. Madaxweynahu waxaa uu sheegtay inuu ka dhabeeyay ballan-qaadkii uu ugu tiraabay ummadda. Ugu horrayn 14/07/2011 waxaa uu saaray guddi qaran oo ka soo taliya furitaanka xisbiyada. Isla markii uu helay talada guddiga iyo isaga fulinaya rabitaanka dadka waxaa uu oodda ka qaaday xisbyadii. Toddobo urur ayaa u soo baxay tartanka doorashadii Dawladaha Hoose.

Sida Madaxweynahu sheegay waxaa barriiqday 4 urur iyo 1865 murashax kuwaas oo ka baaqday halkii ay tiigsanayeen. Shaki kuma jiro doorashooyinku inay ka tagaan dacar, doog iyo daqarro. Hase ahaatee, sida Madaxweyanhu sheegay, “Somaaliland waxay halkaa ku soo gaadhay siyaasi u tudha iyo oday samotalis ah.” Waxaana uu mahadnaq u jeediyay madaxdii ururada hadhay ee aqbalay natiijada doorashadii dawladaha hoose.

Madaxweynahu waxaa uu walaac ka muujiyay doorashooyinka dalka ku soo fool leh. Waxaana uu sheegay doorashooyinka oo loo muddeeyay 2013-2015 inay culays weyn iyo dhiig-bax ku yahiin dhaqaalaha dalka. Waxaa uu ballan-qaaday inuu magacaabi doono dad aqoonteeda leh si ay uga soo talo-bixiyaan. Hase ahaatee, isaga oo iska beri yeelaya waxaa uu ka sii afeeftay in aanu damac kaga jirin in hal habeen oo dheeraad ah loogu kordhiyo doorashada Madaxtooyo.

4. Dhaqaalaha: Madaxweynahu waxaa uu sheegay miisaaniyaddii qaranka ee 2010 inay dhammayd US$50 malyuun. Halka sannadkan uu ka soo bandhigay US$125 malyuun oo ah miisaaniyadda dawladda dhexe. Guuud ahaanna miisaaniyadda 2013 waxaa ay cagcagaynayso US$175 malyuun. Sannadka waxaa si mug leh loo qoondeeyay mashaariic horumarin, adkaynta nabadgelyada iyo difaaca qaranka, horumarinta cadaaladda, iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.

5. Maalgashiga: Waxaa xukuumaddu dib u eegtay, isla markaana, la laalay heshiisyadii xukuumaddii Riyaale la gashay shirkadaha shisheeye ee shidaalka. Sida Madaxweyanhu sheegay waxay heshiisyo la galeen shirkado cusub. Waxaana lagu guda jiraa sahaminta shidaalka dalka iyadoo ay ku baxayso lacag lagu qiimeeyay US$75 malyuun.

6. Arrimaha Bulshada:

• Waxbarashada: Sannadka 2015 waxaa addunka u qorshaysan in la gaadho yoolka 8 qoddob oo bud-dhig u ah horumarinta (International Mellinium Goals). Qod. 2aad waxaa lagu qeexay in lagu hiigsado waxbarashada aasaasiga ah (achievement of Universal Primary Education.) Haddaba si taas loo beegsado xukuumaddu waxaa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada Hoose/Dhexe. Waxaa la dhisay 145 dugsi Hoose/Dhexe, 10 Dugsi/Sare. Waxaana socota kordhinta fasalada 24 dugsi.

• Wasaaradda Waxbarashadu waxay ku guulaysatay inay kasbato kalsoonida deeq-bixiyayaasha, Sidaa darteed, sannadkan waxaa wasaaradda loo qorsheeyay Euro11 Malyuun si loogu fuliyo mashaariicda waxbarasho. Tiro 6646 arday ayaana ka qalin jebiyay jaamicadaha dalka.

7. Caafimaadka: Waxaa la dejiyay Qorshe Caafimaad ee 5 sannadood. Sidoo kale waxaa la diyaariyay Xeerkii Caafimaadka. Waxaana kor loo qaaday dhammaan adeegyada caafimaad ee heer tuulo, degmo iyo gobol.

8. Xannaanada Xoolaha: Si loo wanaajiyo caafimaadka iyo suuq-gaynta xoolaha nool waxaa dalka laga furay 2 maxjar. Madaxweynahu waxaa uu sheegay in hoos loo dhigay khidmadda laga qaado dhoofka xoolaha nool (neefkiiba US$4 halka uu ka ahaa US$6).
9. Biyaha: Mudadii uu xilka hayay Xisbiga Kulmiye waxaa la qodday 42 ceel. Waxaa xusid mudan 20kii sannadood ee dalku goonni u taagnaa waxaa la qodday 89 ceel. Biyaha Hargeysa oo hoy u ah 50% dadweynaha iyana waxaa la geliyay US$21,3 malyuun.
10. Shaqo-abuuris: Waxaa la shaqaaleeyay 5557 qof.

11. Xeerdejinta: Goleyaasha Xeerdejinta waxaa loo gudbiya 27xeer iyadoo la ansaxiyay 21 ka mid ah. Waxaana gacanta lagu hayaa diyaarinta xeerarka maamulka hay’adaha xukuumadda.

12. Arrimaha Dibedda: Madaxweynahu waxaa uu si waafi ah uga jawaabay war dhowaan ka soo yeedhay xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain. Waxaa uu sheegay dalku inuu nabdoon yahay iyo in lagu degdegay faafinta war ka digaya xaaladda nabagelyo ee Somaaliland. Madaxweynah, shir-guddoonka labada gole iyo madaxda dalku waxay socod ku soo mareen agagaarka aqalka barlamaanka iyaga oo ka warcelinaya digniinta la sheegay kuna naaloonaya nabadgelyada dalka jirta.

• Madaxweynahu waxaa uu faahfaahiyay shirkii London 27/02/2013 halkaas oo markii ugu horraysay, si fool ka fool ah ay ugu wada hadleen Somaaliland iyo Somaaliya. Waxaana uu sheegay inuu geed dheer iyo geed gaaban u koray una fuuli doono danta qaranka iyo raadinta ictiraafka.

Qormada waxaan ku soo gunaanadaynaa eray uu wax badan ku celceliya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, haddana uu kaga tiraabay Shirkii Qaranka, “BOQOL SANNO HADDAY GAADHAYSO QADIYADDA SOMAALILAND WAA MUQADIS.”

Comments are closed.