Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Kala Saarto Dhallinyarada Xidhan

0
552

xisbiga-WaddaniHargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay kala saarto Dhalinyarada ay xidhayso.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Md Siciid Bustaalleayaa waxa uu tilmaamay inay jiraan Dhalinyaro badan oo aan waxba sameeyeen, oo ay Xukuumaddu isku xidhay, isla markaana looga baahan yahay inay soo dayso, waxaanu yidhi isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya “Hawl-galada ay Xukuumaddu ku xidh-xidhayso Dhalinyarada rabshada wada ee dadka dhibta u keenay,waxyeelooyinka kala duwana soo gaadhsiinaya, waa mid aanu soo dhawaynayno, balse inay Xukuumaddu guud ahaan Dhalinyarada isku qaado, oo ay wada xidho, oo ay u kala fiirsan waydo Dhalinyarada rabshadaha sameeya iyo Dhalinyarada caadiga ah ee xittaa ay Ardaydu ku jirto, waa wax wanaagsan, ee waxa aan Xukuumadda ugu baaqay inay soo dayso Dhalinyarada aan iyagu waxba sameeynin ee la iska xidhay, waana ay kala soocan yihiin, waana la kala garanayaa Dhalinyarada caadiga ah, iyo Dhalinyarada rabshadaha sameeya, ee aad Xukuumaddu ha ugu fiirsado marka ay  fulinayaan hawlgalada ay Dhalinyarada ku soo qabanayaan”.