Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Djibouti Kaga Qayb Gashay Shirkii Ganacsiga Dalalka IGAD

0
506

rugta-ganacigaHargeysa(Geeska)-Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa Dalka Jabuuti kaga qayb gashay kulan Ganacsiyeed Urur Goboleedka IGAD kaga hadlayey Maal-gashiga Dalalka ku jira Urur Goboleedkooda, kaasoo ay ka soo qayb galeen dhamaan Dalalka ku bahoobay.

Guddoomiye ku-xigeen  Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo Xoghayaha guud Ibraahim Ismaaciil Cilmi ayaa Somaliland uga qayb galay kulankaasi iyagoo marti-qaad rasmi ah oo Goob-jooganimo ka helay Ururka IGAD.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa sheegay in uu shirka ku soo casuumay Yuusuf Muuse Dawaare oo loo doortay labada sano ee soo socda Guddoomiyaha Rugaha Ganacsiga IGAD.

Sidoo kale, waxa shirka Ganacsi ee Dalalka IGAD ka qayb galay Ganacsato Reer Somaliland oo uu ka mid yahay kuwa wax daabaca, waxaanay Weftiga Somaliland fursad u heleen in Shirka IGAD laga sheegay joogitaankooda , waxaana la sheegay in Dalalka IGAD oo dhan looga faa’iideeyo Mashaariicda Maal-gashiga ee Ururku helo.

Go’aamada Shirka IGAD bussines Forum ka soo baxay waxa ka mid ahaa in Dalalka Ururku siyaasadda ka saaraan Arrimaha Ganacsiga.