Booliiska India Oo Xidhay Soomaali Doonayey In Uu Guursado Gabadh Hindiyad Ah

0
591

Picture1Xaydarabaad  (Geeska)- Nin Soomaali ah oo aan la shaacin deegaanka uu ka soo jeedo ayaa galabnimadii Sabtidii toddobaadkan dalka Hindiya lagu xidhay, kadib markii lagu eedeeyey in uu ku jiray qorshe uu doonayey in uu ku guursado gabadh 23 sano jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya. Sidoo kale booliiska magaalada Xaydarabaad ee koonfurta dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay saddex ruux oo ahaa Hindi la sheegay in ay Soomaaligan guur-u-meerka ah hawl fududayn u samaynayeen.

Booliiska Xaydarabaad oo war ka soo saaray xadhigan ayaa sheegay in ninkan oo ah 28 sano jir lagu magacaabo Sayid Ibraahiim uu magaaladan yimid 28kii Jeenaweri ee sannadkan, isaga oo imaanshiyihiisa ka horna ay xidhiidhayeen isla markaana hawsha guurka ee uu u socdo ay kala shaqaynayeen saddex dillaal oo kala ahaa nin lagu magacaabo Muxammed Wahaab iyo laba dumar oo kala ah Shabana Begum iyo Shaahida Sultana, kuwaas oo uu Soomaaligani ka dalbaday in ay u soo helaan gabadh uu guursado, isaga oo xaas hore ku lahaa Soomaaliya.

Dillaaliintan oo dhammaantood Hindi ahaa ayaa uu booliisku sheegay in ay guur-u-meerkan Soomaaliga ah ka qaadeen 80 kun oo lacagta Rupee ee dalkaas ah, taas oo u dhiganta 1’285 (Kun, Laba Boqol iyo Shan iyo Siddeetan) doolarka Maraykanka ah. kadibna waxa ay ka soo shaqeeyeen in ay ninkan ku xidhaan gabadh uu booliisku ku sheegay in ay tahay marwo ehlu sharaf ah oo deggen degmada Yakutpure, kuna qanciyeen guurka ninkan Soomaaliga ah iyaga oo aan u sheegin xog ku filan oo ninkan ku aaddan, sida in uu xaas hore leeyahay  iyo heshiiska guur ee ay iyagu la soo galeen.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Times of India waxaa lagu sheegay in saddexdan dillaal labada dumarka ahi ay gabadhan da’da yar soo heleen, kadibna ku wargeliyeen Muxammed Wahaab oo isagu xidhiidh toos ah la’ lahaa Sayid Ibraahim. Kadib gabadhan iyo caruuska loo waday ayaa u wada tegey Qaadigii degmada u qaabilsanaa meherinta si uu isugu guuriyo. Laakiin Qadigii waa uu diiday in uu meherkaas xidho isaga oo sida uu warkani sheegayo ka shaki qabay in uu yahay guur khiyaamo ku jirto.

“Qaadigii ayaa ka shakiyey, kadib markii uu arkay in lammaanahani aanay wadan dhukumantiyo sax ah. Markaas ayaa uu nagu soo war geliyey afartan qof” sidaa waxaa yidhi taliyaha booliiska ee degmada Yakutpura oo lagu magacaabo M. Surender Goud.

Sida uu booliisku faafiyey, Sayid Ibraahim oo dalkiisa ka ah ganacsade dhinaca gaadiidka ahi, labadii toddobaad ee ka horreeyey qabashadiisa ayaa uu xidhiidh dhow oo joogto ah la samaynayey saddexda dilaal, isaga iyo saddexdooduna hadda waxa ay u xidhan yihiin xeerka ciqaabta dalka Hindiya qodobbadiisa ciqaabta khiyaamada, maxkamadda oo la horgeeyey ayaana u soo jartay Ruumaan, ay xabsiga ugu gudbeen, inta dacwaddooda la qaadayo.

Jimcihii ka horreeyey qabashada dadkan ayaa ay ahayd markii uu booliiska Xaydarabaad soo saaray war uu ku sheegayo in uu ka hortegey guur khiyaamo ah oo uu dillaal ka ahaa nin kale oo lagu magacaabo Muxammed Akbar oo dalkaas u dhashay. Warkaas waxa uu booliisku ku sheegay in xabsiga loo taxaabay  saddex garsoore oo la kala yidhaahdo, Muxammed Azmath Zafri, Cabdul Rashiid iyo Sayid Salmaan, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay faraha kula jireen tallaabo guur oo sifo sharci darro ah loo marayo.