Xisbiga Waddani Oo Ka Jawaabay Eeddo Ay Madaxtooyadu U Jeedisay

0
573

Picture2

Hargeysa (Geesla)- Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo dhaleecayn u soo jeediyey Xisbiga Waddani, kuna tilmaamay Xisbi qabyaladeed, waxaanu Xoghaye ku xigeenka XIsbiga Waddani sheegay in Afhayeenka Madaxtooyadu uu iska indho tirayo xaqiiqda dhabta ah ee jirta isla markaana Waddani yahay Xisbi Qaran. Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale cadaalad daro ku tilmaamay in Masuuliyiin Waddani ka mid ah oo uu sheegay in si bilaa sharciya oo aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland ay u xidhan yihiin, waxaanu yidhi “Afhayeenka Madaxtooyadu Dhuxul wuu iska indha tirayaa xaqiiqda jirta, Waddani-na waa Xisbi Qaran, oo qabyaalad iyo wax la mid ah aan ku dhaqmin, waa Xisbi Qaran oo Bulshada oo dhan dhex u ah, Xisbiga Waddani waa Xisbi Qaran oo Qabiilada Somaliland degan oo dhan ay ku dhan yihiin, oo  aan aqoon cid jeclaysi iyo qabiil jeclaysi, balse Xisbiga Qabyaaladi ku muuqato ee Shirweynihiisi beelo ku saleeyey waa la garanayaa, waana Xisbiga Kulmiye, oo aan anigu hore uga tirsanaan jiray, markaas waxa aan leeyahay Afhayeenka Madaxtooyada waxa kuu qurux badan aamusnaanta ee iska aamus, oo hadalada ka fiirso, waxaana leeyahay Afhayeenka Madaxtooyada waxa u roon aamusnaanta, ”.Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa iyana waxa lala yaabo ah in la yidhaahdo Dhalinyaro Xisbiga Waddani lacag siin waayey ayaa rabshada sameeysay, oo ka cadhootay in Lacagta loogu balanqaaday, la siin waayo, laakiin cida ka dambaysa cid walba wey ogtahay, Waddani uwu ka sharaf badan yahay dhaleecayntaas”. Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo ka hadlaya xadhig uu sheegay in lagula kacay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbigooda, ayaa cambaareeyay xadhiga, isagoo ku baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo.