“Waxaan Ahay Murashax U Taagan Golaha Wakiilada”

0
565

Picture1

Boston (Geeska)- Dr. Essa Kayd oo ah Aqoonyan reer Somaliland ah, isla markaana muddooyinkii u dambeeyey ku noollaa waddanka Mareykanka, gaar ahaan Boston ayaa markii ugu horaysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota.

Essa Kayd ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi badan, kadib uu qaatay inuu  isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilalda.

Haddab, Qoraal kooban oo uu Essa Kayd soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta (4 December) oo taariikhdu tahay 4-ta biisha December 2014-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.”Ayuu yidhi

“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiillada 2015-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa Arab (Samane) ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”