Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Jidh-dil Hargeysa Loogu Geystay Weriyeyaal, Kuna Baaqay In Ciddii Ka Dambaysay Sharciga La Mariyo

0
568

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Jidh-dil dhawaan loo geystay Laba Suxufi oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Hargeysa.

Laba Weriye Magacyadoodu kala yihiin Cali Mahdi Xasan Sheekh iyo Cabdisalaan Jarmani oo Warbaahinta la hadlay Toddobaadkan, ayaa sheegay in xilli habeennimo ah jidh-dil u geysteen Ciidan la sheegay inay ka tirsan kuwa Sirdoonka, inkasta oo aan Cid Madax-banaani xaqiijin arrintaasi.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo Shalay arrintan ka hadlay, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato Dadka loo malaynayo Askarta ee lagu eedeeyay inay Weriyeyaasha Jidh-dilka u geysteen.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaan Xukuumadda looga fadhiyo inay arrimahaas wax ka qabato, inkasta oo uu rejo-xumo ka muujiyey in soo jeedintooda Xukuumaddu u dhego-nuglaato.

“Inamadan Weriyayaasha ah ee la weeraray waxaan leeyahay idinka habeen ayayba idinku dhacdee, anaga maalin cad ayaa nala weeraray, anaga warqadayaddii Taliyaha booliiska ayay ag taallaa wax jawaab ahna kama hayno, tiinuna taa ka duwanaan mayso..” ayuu yidhi xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI oo ka dayrinaya in arrimaha Cabashadu ka taagan tahay wax laga qabto, waxaanu intaa ku daray oo farriin u diray Xukuumadda “Inamadani ma sharciga ayay ka wayn yihiin, inamada Facebookyada wax ku qoraba waata la qabtee, inamada dadka telefoonada ka qaataba waata la xidhee, inamada tooriyaha dadka ku qabtaba waata la xidhee,  waa hal xidhaale horyaala xukuumadda, shacabku dhoohane maaha..”

Ugu dambayn, laamaha ammaanka ee Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixinin eedaymaha loo jeediyey Sirdoonka Qaranka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office