Madaxweyne Muuse Biixi Oo ka Hadlay Ujeeddada Ugu Weyn Ee Uu Xilligan Ugu Safray Maraykanka & Marxaladihii Somaliland Soo Martay

0
675

Wuxuu sheegay in 30-kii Sanadood ee u dambeeyay Laga Shaqaynayey Gudaha Somaliland

USA (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu Maraykanka ugu safray si uu dadka Maraykanka uga dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland, in uu ku qanciyo in uu Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid amni.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda George Washington University, ayaa sheegay in Somaliland ay dhistay dowladnimadeeda imikana ay diyaar u yihiin in ay caalamka ku qanciyaan in Somaliland ay tahay dowlad jirta oo aqoonsi ka rabta beesha caalamka.

“Halkan waxaanu u nimid in aanu dadka Maraykanka iyo aqoonyahankooda u sharaxno qadiyadda Somaliland, hiigsigayaga ugu wayni waxa weeyaan in aanu helno aqoonsi caalami ah,  30 sanno waxaanu dhisaynay gudahayaga, haddana waxaanu rabnaa in aanu dadka ku qancino in meesha dowladi ka jirto” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay dalkooda dib u dhiseen, kadib burburkii ay u gaysatay dowladdii kacaanku, isagoo sheegay in ay dhismaha Somaliland ka soo bilaabeen meel aad u hoosaysa “Somaliland waxay dib u dhistay magaalooyinkeedii iyo xarumihii waxbarashada, ma malayn kartid waxaanu soo marnay, ciidankii cashuurtayada laga masruufayay, ayaa dakan dakan ka dhigay magaalooyinkayaga 1988-kii, waxaanu ka soo bilownay iyadoo aanu jirin xafiis dowladeed, Cisbitaal iyo ciidan amaan toona” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biix Cabdi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay waardiyaha Badda Cas, “Waxaanu nahay waardiyayaasha Badda Cas ka ilaaliya argagixisada, sidaad ogtihiin Geeska Afrika waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo argagixiso oo badan, Al-shabaab, Daacish iyo kuwo kale, waxaanu leenahay xeeb dhererkeedu dhan yahay 840 KM, 33 kii sanno ee la soo dhaafay wax budhcad badeed ah laguma arag.”

Madaxweynaha ayaa ku faanay in ay Somaliland qaybta ay dunida kaga taalo ay ilaalisay, isla-markaana ay rabto in xidhiidh ay la yeelato caalamka iyo Maraykanka si la iskaga kaashado sugidda amaanka mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office