Xisbiga KULMIYE Oo Xalay Yeeshay Shir Ku Saabsan U Diyaar-Garowga Doorashada

0
549

 

ina biixiHargeysa(Geeska)- Xisbiga KULMIYE ayaa xalay  magaalada Hargeysa shir ku saabsan sidii xisbigaasi uu iskugu diyaarin lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka dalka ee la filayo inay qabsoonto dabayaaqada sanadkan 2012-ka.

 

Xafladan waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye,iyo Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay daruuriga u tahay in garabyada kala duwan ee xisbiga kulmiye ay isugu diyaariyaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan aynu ku guda jirno ee 2012.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in balan-qaadkii uu xisbiga kulmiye ku hantay codka kalsoonida shacabka ay salka ku haysay ka midho dhalinta himilada ummada, waxaanu xisbiga u rajeeyay in dhamaantood iyagoo isku duuban ay u guntadaan sidii uu xisbugu guul balaadhan uga soo hoyn lahaa doorashada golayaasha deegaanka maadaama uu la tartamayo sida uu xusay sideed urur siyaasadeed.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay xubnaha u sharaxan golaha deegaanka ee caasimada dalka ee hargaysa in xisbugu ku xushay kuwo mihnad u leh baahiyaha ay ummadu tirsanayso gaar ahaan caasimada oo ah muraayadii qaranka.

Xasan Siciid Waxa uu intaas ku daray inay kalsooni buuxda ku qabaan inay xubnahanii daweeyaan adeegyada Waxbarashada Caafimaadka,biyaha ,wadooyinka iyo wixii la hal maala ee bulshadu uga baahan tahay.