Xasan Ciise Jaamac Oo Casho Sharaf U Sameeyay Taagerayasha Xaqsoor Ee Qurbe Jooga Ah

0
477

 

cashoHargeysa (Geeska)- Urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyey qurba jooga Somaliland, gaar ahaana inta jecel ka qayb qaadashada iyo horumarka ururka xaqsoor, waxaana halkaas khudbad ka jeediyay guddoomiyaha ururkaas Md. Xasan Ciise Jaamac.

Munaasibada casho sharafta ah waxaa marti sharafta kala soo qayb galay hoggaanka urur siyaasadeedka Xaqsoor, gaar ahaan gudoomiyaha ururka Xasan Ciise Jaamac, madaxda ururkaa xaqsoor, qurba joog isugu jira haween iyo masuuliyiin kala duwan.

Munaasibada waxaa ka soo qayb galay qurba joog tira badan oo taageersan ururka xaqsoor, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin kala duwan oo ururka ka soo daah furay gobolo iyo magaalooyin kala duwan oo ka mida kuwo caalamka.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee ku maal gaadhka ahaa, waxaanu madasha ka soo jeediyey gabay guubaabo ah oo taabanaya sidii loo aas aasay ururka Xaqsoor, waxaanu uga mahad celiyey dhamaan qurba jooga madasha lagu casuumay qaabka ay uga soo qayb galeen munaasibada.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Eng kayse Yuusuf iyo Eng Cabdiqaadir iimaan oo aad ugu dheeraaday muhiimada iyo doorka ay dalka ku leeyihiin qurba jooga reer somaliland, waxaanay kula dar daarmeen qurba jooga oo cadeeyey inay dhamaan taageersan yihiin ururka Xaqsoor sidii halkaas looga sii dhaqaajin lahaa ururka loona gaadhsiin lahaa heer xisbi qaran ah

Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa aad ugu dheeraday in loo baahan yahay sidii xidhiidh qoto dheer ay u wada yeelan lahaayeen qurba jooga Somaliland iyo hogaanka ururka xaqsoor, gaar ahaana guddiyada dibada ee uu leeyahay ururku, waxaanu aad ugu mahad celiyey marti sharafta ay casuumeen ee ka aqbalay casuumada, isaga oo intaas ku daray inay wali sugayaan kaalintii qurba jooga. Waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda caafimadka Somaliland Md Cabdi Haybe

Sidoo kale waxaa inaya halkaasi ka hadlay qaar ka mida qurba jooga taageera ururka Xaqsoor, waxaanay warbixin ka siiyeen masuuliyiinta ururka waxqabadkoodii ugu danbeeyey iyo xaafisyada ay ka fureen wadamada ay ka yimaadeen.

Geesta kale waxaa isna halkaas ka hadlay oo xaflada soo xidhay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Md Xasan Ciise Jaamac, isaga oo farta ku fiiqay talaabooyinka ay durba dalka ku soo kordhiyeen ee ahbuu yidhi in siyaasadii Somaliland ay Xaqsoor ahaan durba waxa ka badaleen.

Gudoomiyaha Xaqsoor ayaa tusaale u soo qaatay taladii ay xukumada siiyeen ee ahayd in arrimaha Somalia lagu qaabilo heer qaran, isla markaana ay ka qayb qaatan dhamaan axsaabta ururada iyo baarlamanku, taas oo ku sheegay inay tahay mid uu dadku ku wada qanci karo wixii ka soo baxa talada midaysan. Geesta kalena wuxuu Xasan Ciise jaamac sheegay inay siyaasada ku soo kordhiyeen mucaaradad caafimad qabta oo ah mida wax lagu dhiso.

Gudoomiyaha Xaqsoor ayaa dhamaan qurba jooga uga mahad celiyey taageerada ay uga muujiyeen wadamada ay joogeen, waxaanu aad u soo dhaweeyey hawlaha ay qurbaha uga hayaan ururka xaqsoor, isaga oo sheegay inay qayb lixaadle ka qaateen dib u dhiska dalka.

Xasan Ciise Jaamac waxa uu tusaale u soo qaatay markii la aas aasay ururkii SNM, waxaanu sheegay ku dhawaaqistiisa ay lahayeen qurba jooga, isaga oo hoosta ka xariiqay kaalinta ay ilaa hada ku leeyihiin ka qayb qaadashada horumarka dalka.

Gudoomiyaha ururka Xaqsoor wuxuu tusaale u soo qaatay mar uu ka hadlaayey burburkii Hargeysa waftigii ugu horeeyey ee yimi Somaliland markii ay dhisantay dawladii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa, waxaanu sheegay inay ahaayeen wafti reer Jarmal ah. Wuxuu intaas ku daray in gabadh xiligii uu dhacay dagaalkii labaad ee aduunku afar iyo labaatan jir ahayd ay Xasan Ciise ahaan u sheegtay in burburkii soo gaadhay caasimada Jarmalka ay ka darnayd kii soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu intaas ku daray inay xiligaas hawda sare kaga soo wareegeen Hargeysa oo dunsan. Taas badalkeeda wuxuu uga mahad naqay qurba jooga Somaliland oo uu sheegay inay doorkoodii ciyaareen.