“Xirsow Waa Gartaa Inaad Tidhaahdo Shareecadda Islaamka Lagu Bixin Maayo Caruurtaad Layseen.”

0
555

Bayaan Dhallinyro

Annaga oo ah waxgaradka, aqoonyahanka, mujaahidiinta, dhalinyarada iyo dhammaan bulshada kale ee Hargeisa, degmooyinka Baligubadle,  Kalbare iyo Burco oo dhibaneyaal ka ah ku xad-gudbidii xuquuqda aadamaha ee madaxtooyadu Somaliland rasaasta nool-nool ugu adeegsatay caruurtayadii  doonaysay  inay muujiyaan dareenkooda ku aadan waraaqohoodii codka ee lagu daadiyey dooxa Hargeisa iyo badheedhkii caddaa ee maalinta cad iyada oo la wada arkaayo guddida doorashooyinku ugu masaxday codkoodii. Haddaba; Xirsow marka lagu waydiiyey kaliya magtii caruurta  aad xasuuqdeen, waa gartaa inaad tidhaahdo Shareecada islaamka lagu bixin maayo oo xeer cusub ayaan u samaynayaa Wasiir waxaanu kuu sheegaynaa inaan waalidka iyo ehellada caruurtani ayna rabin wax dulmi ah. Adiguna ma tihid ninka hantidiisa bixinaaya ee waxa laga saarayaa Cashuurtii aanu annagu bixinay. Markaad leedahay dadka kale ayaa nagu odhanaaya Shareecada islaamka nagu siiya dee waa waq ILLAHAY swc u xukumee adigu ma duudsiin kartide ogolow in lagu bixiyo. Waxaanu kale oo aanu kuu sheegayna adiga EEBE ayaa kalaa xisaabtami taadee inaad ku gaftay dastuurka JSL u yaala qodobadiisa koowaad ilaa shanaad ee sheegaaya in wixii diinta islaamka ka hor imanayaa ay ka reeban yihiin Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba, waxaanu bulshada caalamka iyo reer Somaliland u sheegayna inaanu mudo badan isku dayaynay in degenaanta iyo dulqaadka laga tagin oo waalidkii iyo eheladii dhibanayaasha ka ahaa ayaan-daran caruurtooda bilaa sababta loogu rasaaasta caadiga ah ka aargudan oo ay ILLAHAY dartii ugu samraan. Lakiin sidan uu caruurta magtooda u dhigay wasiirka madaxtooyadu iyo hadallada deelqaafka ah ee uu ku hadlayaa waxay keenayaan inay kasii cadhaysiiyo bulshada oo ay sababto in la kala aargoosto. Haddaba,intaan arintu faraha ka bixin, oo eheladii ayna qaadin talaabo keeni karta xasiloonidaro iyo nabadgalyo xumo waxaanu ku talinaynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu maro arinta oo dhibanayaashaas magrtooda loogu bixiyo sida diinteena suubani ay u xukuntay Balse, haddii sidaasi dhiciwaydo wax ka masuul noqon doona wixii dhacay oo dhan cidii waalidkaas ku kaliftay inay qaadan talaabo aargoosi.
Magacyada qaarka mid ah dadkii warmurtiyeedkan soo saaray
1.      Cabdlaahi Maxamed Caydiid
2.      Maxamed Cabdi Maxamuud
3.      Maxamed Ibraahim Faarax
4.      Baashe Maxamuud Faarax
5.      Xassan Cali Haybe
6.      Cawaale Maxamed Daahir
7.      Xuseen Axmed Xuseen
8.      CabdiRashiid Cumar Cadaani (Giije)
9.      Maxamed Maxamoud Faarax
10.  Maxamuud Cabdi
11.  Maxamed Axmed Cali