Hay’adda FAO Oo 8 Gaadhi Ku Wareejisay Wasaarada Beeraha

0
703

Picture1Hargeysa(Geeska):-Hay’adda beeraha iyo cuntada aduunka ee FAO, ayaa Siddeed gaadhi oo loogu talagalay barnaamijka adeegyada fidinta beeraha  ku wareejisay wasaarada beeraha Somaliland.

Gaadiidkan ay hay’adda FAO ku wareejinaysay wasaarada beeraha, ayaa waxaa maal galiyey midawga Yurub, waxaana ay wasaarada beeraha iyo hay’adda FAO ay iyaga oo iskaashanaaya ay si wada jir ah 102-iskuul goobeedyo ah oo ka kala jira guud ahaanba dalka kaga fulin doonaan barnaamijka cilmiga adeegyada fidinta beeraha  Somaliland.

Waxaana munaasibad kooban oo lagu wareejinaayo Siddeedan gaadhi oo lagu qabtay xarunta wasaarada beeraha ee magaalada Hargeysa ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci),agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland,madaxa hay’adda FAO ee Somaliland, madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland iyo Somaliya, madax ka socotay midawga Yurub iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyntii waxaa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland Md:Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu si xooga u mahad celiyey masuuliyiinta hay’adda FAO oo uu ku tilmaaay hay’ad mar walba u taagan sidii ay kor ugu qaadi lahayd heerka wax soo saar ee dalka, waxaana uu si gaar ah uu faah faahin ka bixiyey gaadiidkan iyo waxyaabaha ay ugu talo galeen in loo adeegsanaayo,

 “Haddii aan warbixin aan kaa siiyo mudane madaxweyne ku-xigeen gaadiidkani, waxaa uu ka mid yahay barnaamij la yidhaahdo (Dugsi goobeedyo beeraleyda Ah) ,waxaana barnaamijkaas naga caawiyey EU-da, ayna noo soo mariysay Hay’dda FAO oo sida aad la socotaan wasaarada beeraha wada shaqeyn dhow la leh mashaariicda ay la fulisay iyo kuwa ay iminka la wadaaba aan Kow iyo  Laba lagu  soo koobi karin, aad baanu ugu mahad celinaynaa hay’adda FAO Iyo EU-da ,kuwii ay hore noogu qabtay iyo tan ay  maanta nala wadaba”Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

Md:Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Barnaamijkani waxaa uu ka socdaa lix gobal oo kala ah Awdal,Gabilay, Maroodi-jeex, Saaxil, iyo Togdheer oo u kala baxaya Daadmadheedh iyo Burco, barnaamijkaasi waxaa uu ka kooban yahay isla markaana ka  shaqaynayaan shaqaalaha wasaarad beeraha oo loo tobabaray shaqadaas , sidaad la socoteen waxaanu baryahanba ku jirnay cilmi daadijintii ku xidhnaan jiray in wasaarada beeraha oo kaliya  loo soo doonto cilmiga fidinta beeraha ama la dagaalanka cayayaanka ha noqotee hawshaas yada ah hoos ayaanu u daadajinay, waxaana aanu gaadhsiinay heer gobal ,heer dagmo illaa heer beeralay”.Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda FAO ee Somaliland ,madaxda hay’adda iyo masuuliyiin kale oo ka socday midawga Yurub oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada balaadhan ee leedahay,kor u qaadida cilmiga beeraha iyo kobcinta heerka wax soo saar ee beerahu sida ay muhiim ugu tahay bulshada Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu si xooga uu hay’adda FAO ugu amaanay sida ay mar walba ula barbar taagan tahay kor u qaadida wax soo saarku.

 “Waxaa ay hay’adda FAO Iyo midawga Yurub ay gacan weyn ka geestaan inay inaga caawiyaan wax soo saarkii dalka, marka wax soo saar laga hadlaayo waa shey aad muhiim u ah oo ku xidhan aqoon, waana Illaahay mahaddii mar haddii ay maanta innaga caawiyeen aqoontii oo ay fidiyeen, isla-markaana ay daadajiyeen aad iyo aad baanu uga mahad naqaynaa, sidoo kale waxa aanu u mahad naqaynaa wasaarada beeraha Somaliland oo iyaduna dadaalkan xooggan Muujisay”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci)