Hargeysa (Geeska)- In kasta oo aadamuhu ka dheregsan yahay in haddii geeriyi deyso uu gabow lama huraan yahay, haddana waa waxa ugu badan ee ay ka warwaraan. Waxa se’ laga yaabaa in aanay fahmin ama rumaysan daraasado badan oo cilmiya o odaahfuray in da’da dhalinyaronimadu aanay ahayn ta keliya ee ku fiican gudashada dhammaan xirfadaha iyo hawlaha kala duwan. Daraasadahaas ayaa muujinaya in ay jiraan xaalado badan oo qofku isaga oo da’dii dhalinyaronimada ka gudbay haddana hawlo badan oo muhiim ah iyo xirfado kala duwan u qaban karo si ka fiican dhalinyarada.
Haddii da’yartu caan ku tahay firfircooni iyo adkaysi badni, waxa aad ogaataa in dadka waaweynina inta badan nafsiyan ay aad uga xasiloon yihiin dhalinyarada, waana sababta aynu dhammaanteen u aaminsannahay xaqiiqada ah in, aadamuhu mar kasta oo da’diisu sii korodho ay waayo-aragnimadiisuna badato.
Qormadan xiisaha badan oo uu turjumay Geeska Afrika ayaa shabakadda Internet ka ee Business Insider waxa ay ku soo ururisay natiijooyinka cilmibaadhiso iyo sahamin kala duwan, si loo xaddido da’da ay kartida qofku halka ugu sarraysa gaadho iyo weliba da’aha kala duwan iyo xirfadaha uu qofku ku kala habboon yahay qabashadooda.
Da’ahaas iyo sida ay daraasaduhu u muujiyeen mihnadaha ku kala habboon ayaa sidan soo socota u dhigan:
1. Barajada luuqad labaad:
Marka uu ilmuhu toddoba ama Siddeed sano jiro ayaa ah waqtiga ay bani’aadamka ugu fududahay in uu barto af labaad oo aan ahayn afkiisa hooyo.
Xeeldheerayaasha cilmiga afafka iyo culimada cilminafsigu waxa ay ku kala aragti duwan yihiin da’da ugu habboon eek u fiican in qofku uu barto af labaad, laakiin si guud waxa ay isugu waafaqsan yihiin in barashada afka labaad ay inta badan fududahay marka uu qofku da’ yar yahay, ugu yaraan inta aanu qaan-gaadhin.
2. Shaqada maskaxda:
Shaqada iyo firfircoonaanta maskaxeed ee aadamuhu waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaa marka ay qofka da’diisu gaadho 18 sano jir.
3. Xusuusta magacyada:
Awoodda ay maskaxda aadamuhu u leedahay xusuusashada magacyada aanay la qabsan ama ku cusub, waxa ay ugu fiican tahay marka ay da’da qofku tahay 22 sano.
4. Haasaawaha:
Dumarku waxa ay damaca iyo xiisaha ninka ugu soo jiidan og yihiin marka ay da’doodu tahay 23 sano jir, halka ninku marka uu dumarka qalbigooda ugu soo jeedin og yahay ay tahay marka uu waxoogaa da’da dhalinyaronimada ka gudbo.
Baadhitaanno guud iyo sahamin aan rasmi ahayn oo la sameeyeyna waxa ay caddaysay in Raggu ay jecel yihiin gabadhu inta ay weli ku jirto bilowga Labaatanaadka, xitaa marka uu ninku yahay nin da’ weyn gabadha da’daas ah ayaa uu jecel yahay. Laakiin dumarka da’aha Labaatanaadka ku jiraa waxa ay jecel yihiin ragga da’ ahaan ka weyn sannad ama laba sano, halka dumarka Soddonaadka ku jiraa ay jecel yihin ragga ka da’da yar, dhowr sano.
5. Ka raalli ahaanshiyaha nolosha:
Ka raalli ahaanshiyaha nolosha iyo duruufaha ku xeerani waxa ay halka ugu fiican ee ugu sarraysa gaadhaan marka ay da’da qofku marayso 23 sano jir.
Cilmibaadhis Jarmal ah oo tijaabadeeda laga qaaday 23 kun oo qof ayaa lagu ogaaday in dadka ay da’doodu ku jirto 23 jirku in ay yihiin kuwo ka raalli ah noloshooda, iyada oo weliba laga eegayo dhinac kasta oo nolosha ka mid ah.
6. Dhismaha jidhka:
Quwadda jidheed iyo xoogga qofku waxa uu halka ugu sarreeya gaadhaa marka ay da’diisu tahay 25 sano. Waxa aanay muruqyada iyo quwadda qofku sidaas sii ahaadaan 10 illaa 15 sano oo ka sii dambeeya da’dan.
7. Xasiloonida: Da’da ugu habboon ee xasiloonida qoyska iyo kalgacalkuba halka ugu sarraysa gaadhaan waa marka ay da’da ninka ama lammaanuhu gaadho 26 sano.
Daraasado arrintaas la xidhiidha oo dhowaan la sameeyeyna waxa ay daahfureen in burburka iyo furniinka qoysku ugu yar yahay qoysaska ay lammaanayaashu yihiin inta u dhexeysa 28 sano illaa 32 sano.
Orodka:
Da’da ugu habboon ee qofku uu adkaysiga u leeyahay orodka iyo socodka badaniba waa 28 jirka. Baadhitaan muddo 50 sano ah socday ayaa lagu ogaaday in orodka dadka ay da’doodu tahay 28 jirku ay yihiin kuwa ugu kartida badan dhamaystirka orodka 42 kiiloomitir ah oo ay weliba laba saac gudahood ku dhammeeyaan.