Arday Reer Somaliland Ah Oo Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Kampala Ee Dalka Uganda

0
654

Kampala(Geeska)-Arday reer Somaliland ah ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Kampala University ee dalka Uganda.

Munaasibad khamiistii loo sameeyay qalin jabinta 2995 arday oo guud ahaan ka qalin jabiyay jaamacadaas, ayaa waxa ka mid ahaa arday isugu jirta Somaliland iyo Somaliya oo tiradoodu tahay 242 arday kuwaas oo dhammaystay darajooyinka 1aad iyo labaad ee jaamacadaas, waxaanay qaateen culuun kala duwan.

Ardaydaas reer Somaliland waxa ka mid ah Khaahlid Maxamed Cumar oo ka qalin jabiyay kuuliyadda human resource management oo ay bahda Geeska Afrika si gaar ah u bogaadinayaan. Waxa kale oo aanu bogaadin u diraynaa guud ahaan ardayda reer Somaliland ee jaamacadda ka qalin jabiyay.