Hilary Clinton Oo Qoraysa Buug Ka Warramaya Ol’olaheedii Doorashada Iyo Xaaladdii Xanuunka Badnayd Soo Martay

0
651

Washington (Geeska)- Shirkadda daabacista ee Simon & Schuster ayaaa arbacadii ina dhaaftay ee 29ka Maarso 2017-ka sheegtay in murashaxaddii xisbiga dimuqraaddiga ee dalka Maraykanka doorashada uga qaybgashay, Hilary Clinton ay go’aansatay in ay daabacdo buug cusub oo ay kaga warramayso nolosheeda, kaas oo ay ku jirto qisada ol’olihii adkaa ee ay u gashay doorashadii madaxnimada sannadkii 2016-ka oo uu kaga adkaaday madaxweynaha hadda ee Maraykanku.

Buuggan oo xambaarsan xog iyo qisas ay Hilary Clinton ka ururisay muddo tobannaan sano ah oo ay siyaasadda ku jirtay, ayaa sidoo kale laga dheehan doonaa aragtideeda la xidhiidha mustaqbalkeeda. Wasiirkii hore arrimaha dibadda iyo marwadii koowaad ee hore ee Maraykanka ayaa shirkadda daabacista u sheegtay in buuggani uu xambaarsan yahay xogo iyo dhacdooyin waqtiyo fiican ay oo nolosheeda ka mid ah u taagan, iyo duruufo soo maray oo marar gaadhay in xilli aan ku habboonayn ay qososho, in waqtiyada dhibta ay adkaysi yeelato iyo in ay liqdo oo qaddariso wax kasta oo nolosha ay la kulanto.

Buuggan oo soo bixi doona lixda bilood ee dambe ee sannadkan aynu ku jirno ayaa noqonaya kii Lixaad ee ay qorto Hilary Clinton. Dad badan ayaana xiisaynaya in ay ugu yaraan wax uun ka fahmaan waxa ka dhex guuxaya maskaxda Hilary Clinton oo intii ka dambaysay markii uu madaxweyne Trump doorashada kaga adkaaday, doorbidday in aanay wax hadal ah oo rasmi ah jeedin, marka laga reebo hal mar oo ahayd waqti yar kadib doorashadii, markaas oo ay boggeeda Twitter ka ku sheegtay in ay taageersan tahay dibad-baxyadii ay dumarka Maraykan kaga soo horjeedeen Trump. Iyo in ay sidoo kale farriin ay isla boggan ku baahisay oo ay ku taageersanayd dibad-baxyadii ka soo horjeeday go’aankii uu Trump muwaadiniinta 7 dal oo muslim ah kaga mamnuucay in ay soo galaan Maraykanka.