Xilkii Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Muddo Bil Ku Siman Banaan

0
665

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xilkii wakiilka Somaliland ee wadanka Itoobiya ayaa muddo bil ku siman banaan, ka dib markii uu wakiilkii hore Md. Aaden Nuux Dhuule iska casilay xilkaas bishii hore, mar uu Madaxweyne Siilaanyo safar ku sii maray Addis Ababa.

Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa oo ah xafiiska ugu muhiimsan xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dibadaha ee si rasmi ah u shaqeeya, ayaa waxa xilkiisa sii haya ku xigeenkii wakiilka Ayaanle Salaad Diiriye. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Madaxweyne Siilaanyo muddo bil ku siman u magacaabi la’yahay wakiilka Somaliland ee Itoobiya oo muhiim u ah siyaasadda dibadda Somaliland. Laakiin wararka ayaa sheegaya inay madaxtooyadu ka baaraan degayso masuulka ay jagadaas u magacaabi lahayd maadaama oo uu wadanak Itoobiya yahay dal ay xidhiidh adag leeyihiin Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna la sheegay inuu si weyn isha ugu hayo qofka xilkaas loo magacaabayo, maadaama oo uu isna yahay masuulka ay sida tooska ah u wada shaqayn doonaan. Rag badan ayaa la sheegay inay hungureeyeen kursigaas oo ah mid muhiim u ah siyaasadda dibada Somaliland, laakiin ragga la sheegayo inay isa soo sharaxeen ayaa la sheegayaa inaanay weli madaxtooyadu ka dhex helin masuulkii booskaas buuxin lahaa. Dadka shacabka ah ee siyaasadda dibadda Somaliland faaqida ayaa iyaguna ku talinaya in jagadas loo magacaabo ugu yaraan qof khibrad wanaagsan u leh xidhiidhka diblomaasiyadda oo marka uu u yaryahay ka soo shaqeeyay safaaradihii hore ee dawladii burburtay ee Somaliya amaba xilal sare ka soo qabtay ururada caalamiga ah ee dunida ka jira. Mr. Aaden Nuux Dhuule, ayaa wuxuu xilkan kala wareegay danjire Maxamed Sheekh Xasan, oo ahaa diblomaasi guun ah islamarkaan dalalka Kanada iyo Nayjeeriya safiir uga noqday dawladii burburtay ee Somaliya.