Shirkadda SBI Oo Maalgelisay Mashruuc Biyo Ah Oo Laga Hirgelinayo Magaalada Burco

0
760

Picture4Burco(Geeska)-Shirkadda Sharaabka  ee SBI ayaa mashruuc Biyo balaadhin ah ka bilowday Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kuwaasi oo ay ka faa'idaysan doonaan dadweyne aad u badan isla markaana ku kici doona dhaqaale aad u badan.  

Munaasibad balaadhan oo lagu furaayay Mashruucan oo ay soo qabanqaabisay Shirkadani oo ka dhacday Hoteelka Ramad ee Magaalada Burco ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Biyaha Somaliland ,Wafti sare oo ka socday Shirkadda SBI ,Masuuliyiniitna Laamaha Dawladda gobolka Togdheer ,Culimo awdiin ,Aqoonyahano ,Ganacsato iyo Dadweyne kale oo aad u badan ,kuwaasi oo si weyn usoo dhaweeyay mashruucan.

Gudoomiya shirkadda  sharaabka SBI Axmed Cismaan Geele oo ugu horeyn mashruucan sharaxaad ka bixiyay ayaa yidhi.'' ''Reer Burco waa meelaha ay SBI ay ku qabto taageerada ugu wayn ee sharaabka aad looga cabo ,sidaas darteed hoobaa hoo leh anaguna waxaa ku dedaalnay inaanu waxyaabaha daruuriga ah ee Biyuhu ka mid ka yihiin oo mashruucani ku jiro oo ay ku baxayso ilaa lix Boqol oo kun oo doolar in aanu ka fulino,waxaanu gaadhayaa ilaa Boqol iyo kaw iyo laabtan kun oo qof oo reer Burco ah, waxanu socon doonaa ilaa lix Bilood ,waxaan kale oo aan dadweynaha reer Burco leeyahay halkaasi ka sii wada taageerada SBI ,waxaanan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin " Sidaasi ayuu Axmed Cismaan hadalkiisa kaga baxay.
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisi ku bilaabay '' Biyuhu waa nolosha waa u muhiim waxaan ku bogaadinayaa Kambanigan SBi masruucan uu inoo keenay oo ah mashruuc biyo balaadhin ah,mashruucanina lix bilood Gudahood marka uu inoogu dhamaado meel walba biyahu way inoo gaadhayaan ,waxaan kale oo reer Burco ugu bushaaraynayaa in mashruucan ay ku jiraan Kayd biyood oo aaney magaaladu hore u lahayn ,aad baanan ugu mahadnaqayaa shirkada SBi .
Sidoo kale Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Ibraahim Xadhigle (jirde) oo  isna ka waramay biyo galintaas ayaa sheegay in Mashruucan ay ku tartameen dalal afrika ah isla markaana ay ku soo guulaysteen ka dib markii ay dhaqaalaha ku baxayaa mashruuca ay 20% bixiyeen ,waxaanu ugu baaqay ganacsatada iyo bulshadda ree Burco in ay gacan ka gaystaan mashruucan.

Abwaano iyo dad magac leh oo halkaas ka hadlay ayaa shirkadda SBI ku tilmaamay shirkad wadani ah oo horumarka dadkeeda ka qayb qaadanaysa, waxaanay shirkadaha kale ugu baaqeen inay ku dedaan.

Geesta kale Mashruucan oo iskugu jira Ceelal Qodis iyo Biyo galin oo khamiistii la Dhagax-dhigay ayaa noqonaaya Mashuurciiga ugu balaadhnaa ee Shirkad madax'abanaani ka hirgaliso Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.