Suldaan Cumar Oo Farriin Adag U Diray Madaxweynaha, Kana Hadlay Khilaafka Baliga Diriye

0
943

Picture6Hargeysa(Geeska):-Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa si adag uga hadlay xaalada haatan ka taagan deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee waqooyiga Burco oo shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ay shalay ka dhacday. Deegaanka ayaa waxa isku haya beelo walaalo ah oo kala ah Cabdale Arab iyo Axmed Faarax oo Habar-jeclo ah waxaanay Cabdalle Arab xukuumadda ku gacan saydheen go’aamo laga soo saaray murankaas.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo shaley warbaahinta la hadlaayey ayaa Xukuumada ku eedeeyey in ay ka masuul tahay sii hurinta muranka dhuleed ee halkaasi ka taagan,waxaana uu sheegay in muddo 70-Sanadood ka hor ah ay dadka deegaankaasi dagani ay Xukuumadihii ka horeeyey Xukuumadan hada jirta ay sharci u siiyeen in ay dhulkaasi deegaan ahaan iska leeyihiin,waxaana uu carabka ku adkeeyey in dadka deegaankaasi dagani aanay ahayn dad ciidamo lagaliyo balse ay yihiin baa uu yidhi dad dagan dhulkoodii.

"Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrin aan horena wax uga taabtaabtey,maantana waxii aan ka digaayey ay ka dhaceen ayaan doonayaa in aan wax ka taabtaabto,meeshaasi waxa weeye Baliga Diiriye Guuleed oo deegaan dad dagan yihiin ahaa laakiin uu damac fara badani uu meesha ku xeernaa,deedna aan anagu ka digaynay in ay wax ka bilaabmaan,meeshaas markaan asal ahaan aan dib ugu noqdo waa dhul deegaan ahaa 70-Sanadood muddo laga joogo,Xukuumaduhuna waxaa ay haybad ku yeeshaan oo ay sharaf qiimo iyo karaamo ku yeeshaan marka ay tixgaliyaan qoraalada ay Xukuumadihii ka horeeyey ay sameeyaan,Xukuumadihii ka horeeyey Xukuumadan hada joogta,halkaa dhawr goor oo ay wax ka dhaceen waa lagu wad hadlay,qoraalo ayaa laga soo saaray deegaanimadeeda sharci ah .qoraaladaas laga soo saaray dee magac dawaladeedna waa ay ku socdeen maadama ay Xukuumad soo saartay.

Masuuliyiintan imika kursiga ku fadhidaa qoraalo dee ay iyagu ay sameeyeen dee kuma fadhiyaane waxay ku fadhiyaan qoraalada dawladaha hoose ay sameeyeen ama dawladahaa ka horeeyey ay sameeyeen,haday dhacday in ay tix galin waayeen qoraalada hore waxaa ay u muuqanaysaa in ay iyaguna ay sifo sharci darro ah ay ku fadhiyaan marka dee la eego curfiga Caalamka arrintaasi waa arrin aad iyo aad u fool xun dhacdadaas meesha laga sameeyeyna waa kuwo aad u fool xun,mana aha in marwalba dee dhacdo uun la yidhaahdo dee dawladii waa ya qaldantay deedna dib looga noqdo marka danbe ee marka hore ayaa fiican in waxa laga fiirsado dadkan ciidanka la galinayaana maaha dad ciidan la galiyo ee waa dad xaq u leh oo dhul koodii dagan weeye,Xoogna lagagama rari karo ninkasta oo u tagaa isaga ayaa iskaga tagaaya"Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Suldaan Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi: "Anaga reer ahaana waxaad mooda in barnaamij kale looga jeedo arrimahan foosha xun ee marwalba la samaynaayo doorashooyinkiibaa aan dib u xasuustaa oo wax bani Aadam nimada ka baxsan lagu sameeyey, ujeedooyinkii laga lahaa inkasta oo aan la gaadhin,waxaa ku xigtay doorashooyinkii golaha deegaanka Hargeysa ee lagu dooranayey masuuliyiinta hogaaminaysa Golaha deegaanka Hargeysa oo intii kale inta ay iska fadhiisatay oo ay aadyar iska doorteen iyada oo aan wax tix galin ah aan la siinin dadkii halkan la daganaa ee deegaanka kula nool ,waxaa ay ahayd barnaamij kale oo lagu dayaayey in lagu kiciyo dadka laakiin dhag u maanan dhigin waxaa taa ku xigtay biyaha iyada oo laga hadlaayo biyaha magaalada Hargeysa oo si toos ah na loogu yidhi masuuliyiinta Xukuumada ka tirsani qorshaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Axmed Dhagax nooguma jirto kacdoon baa dee la doonayey,laakiin anagu umaanan jeedin,waxaan u aragnaa in Waxaas oo dhami ay sabab u yihiin oo malaha la lahaa uun reerkan oo aad moodo in uu ku yara ad adag yahay Somaliland-ta,hala bisleeyo si uu Somaliland-ta ga noqdo,mana suurta galayso in aanu ka noqono laakiin ninka doonaya in uu isagu ka noqdaa isaga ayaa banaanka iman doona,arrintan laakiin maanta meeshaa ka dhacdayna ku waas ayuunbay daba socotaa".

Ugu danbayntiina Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo si toos ah ula hadlaya Madaxweyne Siilaanyo, ayaa yidhi  “Somaliland-na dee waxaan leeyahay dadka quja-qujeynta ha laga daayo dee Cabdle Arab dagaalkiisa laguma kordhinaayo,xili lagu kordhin maayo Cabdale Arab dagaalkooda iyo Ciidan la dul geeyo nin walibana marka maalintiisu ay u dhamaato waa uu ka soo baxayaa .Daahir Rayaale ayaad ku odhan jirtey bud baanu kaga soo saaraynaa,laakiin adiga wax kale ayaa lagaaga soo saari, hadaad cagaha dhigan waydo,waxaan kuu soo jeedinayaa Masuuliyad baa laguu dhiibay dal baa lagugu aaminay,waxii lagugu aaminay sidii laguugu aaminay u dhiib.”Ugu dambayn isagoo baaq diraya wuxuu Suldaanku yidhi “mar labaad waxaan ku baaqayaa arrintaa ha laga noqdo Ciidamadana meesha halaga saaro umadda nabad galyadeedana halaga shaqeeyo maaha inta afar wasiir loo diro, sharciyo dastuurbaa dalka ka jira arrimaha gudaha ayaa ka taliya dalka hadii wanaag laga doonayo maxaa Wasiirka Arrimaha loogu diri waayey,farsamo kale ayaa dee meesha laga wadaa dhul reer loo qaadayaana ma jiro halkaa Cabdalle Arab uu dagan yahayna maaha Kalshaale waa la eedi doona walaahi in la eedi.”Ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.