Xildhibaanadii Golaha Deegaanada Ee Beesha Ciise Oo Ku Dhawaaqay Inay Dhamaantood Is Casileen

0
1005

 

saylacSaylac( Geeska )-Toban xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya, ayaa si rasimiya ugu dhawaaqay inay is casileen kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Xariirad.

Xildhibaanadan ayaa dhamaantooda ka soo jeeda beesha Ciise oo cabashooyin xoogan ka muujisay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dagmooyinkaas ka dhacay, oo ay sheegeen in laga boobay.

Xildhibaanadan is casilay ayaa toddaba ka mid ahi waxa ay iska casileen golaha deegaanka degmada Saylac oo ay ka tirsanaayeen, halka saddex xildhibaana ay iska casileen Luhaya.

Maayarka degmada Saylac Md.Xuseen Iidle Barkhad oo wargayska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay xildhibaanadan is casileen, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is casilaada xildhibaanada ee wakhtigan isaga oo falkaas ku tilmaamay mid dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadaba ka soo horjeeda.

Toddobada xildhibaan  ee iska casilay degmada Saylac ayaa kala ahaa Aadan Cabdilaahi Boodhle, Cabdinaasir Jaamac Xoosh, Maxamuud Cigaal Wacays, Axmed Yaasiin Maxamed, Axmed Migil Ciil-tire, Siciid Muuse Giirre, Geesh Aadan Bille. Sida oo kale xildhibaanada iska casilay degmada Lughaya ayaa kala ahaa iyaguna  Xasan Maxamed Dhimbiil, Muumin Muuse Ducaale, Ibraahim Jaamac Maydhane.

Talaabadan ayaa muujinaysa go’aanka adag ee beesha Ciise ay iska taagtay cabashada ay ka qabto doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay, hore ayuu wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo xalinta cabashadaas u tagay degmada Saylac uu u sheegay soo noqoshadiisii in beesha Ciise ee deeganadaas ku nooli ay go’aan ku gaadheen in aanay gabi ahaanba aqbalin doorashadaas.