Somaliland Oo Shalay Masaafurisay Xildhibaankii Somaliya Ee La Xukumay

0
643

 

Berbera(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya u masaafurisay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya Mr. Jaamac Axmed Maxamed, oo dhawaan lagu qabtay magaalada Gabiley.

Xildhibaankan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacabkiisa Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Gabiley, waxaanay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday xukun ah in 48 saacadood gudahood lagaga masaafuriyo Somaliland, islamarkaana lagu ganaaxo hal milyan oo lacagta Somaliland ah, waxaanay ninkan shalay laga masaafuriyay madaarka Berbera iyadoo la saaray diyaarad u sii socotay magaalada Muqdisho ee uu markii hore ka yimid.

Dad badan ayaa aaminsan in xukunada lagu rido dadka lagu soo eedeeyo inay la fal-galeen siyaasadaha Somaliya ay yihiin kuwo khafiif ah, marka loo eego dambiga ay galeen oo uu nuxurkiisu noqonayo khiyaamo qaran, waxaana la ogyahay in hayadaha sharci dejintu go’aamo dabar ah hore uga soo saareen dadka lagu eedeeyo siyaasadaha Somaliya.