Waraysi Gaara: Xildhibaan Dr. Charles Tannock Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub, Oo Ka Hadlay Qaddiyada Somaliland Iyo Aragtidii Meles Zenawi Ka Aaminsanaa

0
701

 

lol3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan baarlamaanka Yurub u metela Ingiriiska, Dr. Charles Tannock, ayaa sheegay inaan Ingiriiskudiidayn haddii madaxbanaanida Somaliland loo maro qaab u eg waddadii Koonfur Sudan martay ee aftida madaxbanaanidooda, balse ku xidhan keliya hadii labada dhinac isla qaataan.  Waxase uu sheegay inuu dareensanyahay in Ingiriisku xiisanayo midow dhex mara Somaliland iyo Somaliya oo ku yimaada Distoor federal ah. Wuxuu Mr. Charles amuurahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, kaas oo su’aalaha loo mariyay dhinaca Emailkiisa.

Dr. Tannock, oo ah afhayeenka guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Yurub, si weyna ugu ololeeya qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay isku day uu ku doonayay in ictiraafka Somaliland lagu soo daro warbixin uu guddiga arrimaah dibadda ee Baarlamaanka Yurub ka diyaariyay Gobalka Geeska Afrika, taas oo uu sheegay in aragtidiisii cod lagu muquuniyay. Xildhibaanku, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidii uu Meles Zenawi ka qabay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Waraysigaas oo uu xildhibaan Charles Tannock la yeeshay weriye Maxamud Walaaleeye, oo Geeska Afrika ka tirsani, wuxuu isagoo dhammaystiran u dhacay sidan:

 Sidaad u aragtaa qadiyadda aqoonsi-raadiska Somaliland xilligan, markaad eegtid xidhiidhka dhow ee Maraykanka iyo Midowga Yurub siiyeen Soomaliya? Maxaa lagaga gaashaaman karaa?

Nasiib-daro arrinka helitaanka aqoonsi caalami ahi Somaliland muhiimad kooban ayuu ka leeyahay, ama si balaadhan ugama aha goleyaasha falanqeynta siyaasadaha dibedda ee Maraykanka ama Midowga Yurub, xitaa isku deygaygii in ugu yaraan lagu muujiyo warbixintaydii Geeska Afrika waxa lagu hor-istaagay cod, baarlamaanka Yurub guddigiisa Arrimaha Dibedda.

Ma nala wadaagi kartaa, jawaabtuu ka bixiyey Raysal Wasaarahii hore ee geeriyooday ee  Itoobiya, Zenawi, markaad kala hadashay aqoonsigiisa Somaliland?

Raysal wasaarahii hore Itoobiya, Zenawi, waxuu si cad u muujiyey sida xukuumadiisu u gaadhi karto inuu dal saaxiibo yihiin "de facto" ka dhigto Somaliland, balse aanu gaadhi Karin siinta aqoonsi "de jure" sababo badan awgood, ka mid tahay xaqiiqada in Addis Ababa tahay xarunta Midowga Afrika, iyo inaan lanoo arkin dal dhiirigelinaya qeybinta Soomaaliya, oo hore rajiimkii Derg loogu eedeyn jiray. Laakiin, Zenawi waxuu sheegay inuu samayn doono wax kastoo uu ku taageeri karo noqoshada saaxiibo jaar ah.

Ingiriiska iyo Beesha Caalamku waxay dhiirigeliyeen wada xaajood Somaliland iyo Soomaliya ka yeeshaan sidii xidhiidhkooda mustaqbalku ahaan lahaa, taasi xilligan faa’iido ma u leedahay Somaliland, xilli waddamada reer Galbeedku indho-la’aan u wadaan Soomaaliya?

Fahamkayga arrinkaa waa in Ingiriiska iyo wadammada kale Midowga Yurub, doonayaan dhiirigelinta wada xaajood dhexmara xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho, si ay u wada gaadhaan qorshaha jidkii loo mari lahaa helitaanka xal waara mustaqbalkooda, iyagoo Ingiriiska iyo beesha caalamku aanay dusha kaga keenayn shuruudo ku xidhan. Waxaan qabaa in Ingiriisku xiisaynayo xalka midow Soomaaliya ku yimaada dastuur Federal ah, laakiin, ma filayo in Ingiriisku diidayo qaab u eeg waddadii Koonfur Sudan martay ee aftida madaxbanaanidooda,oo ku xidhan keliya haddii labada dhinac isla qaataan. 

Xillima ayaad taageeradaada qadiyadda madaxbaanida Somaliland  bilowday, ma cid baa kaa codsatay? Hadaad weli taageertid fikirkaa, maxaad nooga sheegi kartaa hawlahaad dhowaanahan ka geysatay? 

Waxaan bilaabay xiisaynta qadiyadda Somaliland, xilli uu kulan ila yeeshay nin macalin ka ahaa Ingiriiska muddo badan, oo igala hadlay qadiyaddaa shan sannadood hortood, waxaan la kulmay wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub iyo Madaxweyne Axmed Siilanyo, iyo xilliguu mucaaradka ahaa oon sidoo kale ku kulanay London xaflad jaaliyadda Somaliland lahayd.  Waxaan daalacday warbixino, shaqsiyana ogaaday in qadiyadda aqoonsiga Somaliland haysato taageero sharci , siyaasadeed iyo damiir adag.

Isku deygaygii dhiirigelinta qadiyadda waxay ahayd saddex bilood hortood, oon doonayey in lagu muujiyo qadiyadda aqoonsiga warbixin guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Yurub ka diyaarinayey warbixin Geeska Afrika, laakiin, waxaa arrinkaa ku hor istaagay cod loo qaaday kooxda Green Group, oon ka xumaaday!

Ugu dambayn, waa maxay talooyinka aad u jeedin karto xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda, si loo xoojiyo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland?

Waxaan qabaa in habka ugu wanaagsan yahay in dhaqaale loo helo lagu abuuro kooxo khubaro dublamaasiyiin ah wasaaradda Arrimaha Dibedda (iyadoo adag tahay dal yar oon dhaqaale buuran lahayn sida Somaliland) inuu wax badan ka qabto ka ololeynta goleyaasha caalamka iyo baarlamaanadda wadammada reer galbeedka iyo Midowga Afrika. Waxaan sidoo kale qabaa in qurba-jooga Somaliland ee wadamadda sida Ingiriiska iyo Sweden ay si wanaagsan isugu habayn karaan sidii xildhibaanadoodu ugu cadaadin lahaayeen wadamadooda inay qadiyadda geeyaan fagaarayaasha Qaramadda Midoobay, Midowga Yurub, iyo meelaha kale.

Ta ugu muhiimsan waa, in la dhiirigeliyo helitaanka maalgashi dibadeed ee shirkadaha gaarka loo leeyahay, oo ka dib ku qancin kara xukuumadahooda inay taageerto horumarka iyo mustaqbalka xasiloon ee Somaliland, iyo koboca dhaqaalaha Somaliland oo muhiim weyn u ah fursad dal madaxbanaan ugu arkaan indhaha beesha caalamku.