Xildhibaan Soo Jeediyey In Doorashada La Qabto Markay Dhammaato Muddo-kordhinta Golaha Wakiilladu

0
727

Hargeysa(Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee la filayo in sannadkan la qabto, wakhtiga ay Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan iyo muddada ay hore ugu cayintay Guurtidu sida laga yeelayo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Marii ay hore Guurtidu muddo kordhinta u sameeysay waxay u gudbisay Madaxweynaha, Madaxweynuhu wuu ka aqbalay, oo Guurtidu hore ayey u mudaysay in Doorashooyinka la qabanayo dabayaqaada sannadkan, haddana waxaa soo korodhay arrin kale oo ah in Komishanku ay yidhaahdeen Doorashooyinka waxaanu ku qabaynaa bisha shannaad ee isla sannadkan, Golaha Guurtida ayaana awoodda iska leh oo go’aanka laga sugi doonaa, oo waxaynu eegi doona waxay go’aamiyaan, laakiin imika ayaa baa Diiwaangelintii la dhammeeyey, bishii shannaadna waxba kama hadhsana,duruufo iska jira, abaaro ayaa deegaanada qaar ka jira,  waxba yaan la deg degin ee  shanta bilood u dhexeeysa ha la iska adkaysto,oo anigu waxaan odhan lahaa wakhtigii ay hore u cayintay Guurtidu ha lagu qabto Doorashooyinka, inkasta oo ay mar kasta Guurtidu go’aanku u yaalo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office