Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Farmaajo Uu Itoobiya & Eritrea Kala Tashaday Weerar Uu Somaliland Ku Soo Qaado

0
840

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu isku dayey inuu weerar ku soo qaado Somaliland.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Dawladaha Itoobiya & Eritrea kala tashaday weerar uu ku soo qaado Somaliland, sidaasi darteed shacabka Somaliland looga baahan yahay inay cadowgooda u midoobaan.

Faysal oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Musharrax ka dhex tartamaya Xisbiga UCID doorashada Golaha Wakiillada, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Inankaa Kibirkiisa (Farmaajo) Yoolkiisu waa innaga, innaga ayuu innagu soo socday, Itoobiya iyo Eritrea ayuu la tashaday inuu innaga inna weerarro.”

Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxaasaa innagu soo socda, haddaynaan midaysnaanin oo aynaan dalkeena haysan oo aynaan is jeclaana wuu inna qabsan doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wixii la inna yeelay waynu ilowsanahay, kalmad aynu innagu is nidhi ayaynu xasuusanahay, waxay ku hadleen ma maqasheen, wuxuu yidhi ma maqasheen, kalmad uu qof Qayrul masuul ahi yidhaahdo ayaynu kor u qaadaynaa, intaas oo Mutacalim baynu leenahay, intaas oo Caaqil baynu leenahay, intaas oo suldaan baynu leenahay, wax dan-guud ka hadlayaa ma jiro.”

Guddoomiyuhu wuxuu eedaymo u jeediyey Culimada Somaliland qaar oo uu sheegay inay la Mabda’ yihiin kuwa Soomaaliya “Sheekheenu ka Xamar buu ku xidhan yahay, wuxuu ku leeyahay Muslimka lama kala jarjarayo, dee orodoo Sucuudiga nagu soo dar…” ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office