Xildhibaan Rayte Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Inay Dabadda Ka Riixayso Muddo Kordhin Loo Sameeyo

0
582

Picture8Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddu  faraha kula jirto Guddida Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay inay waddo qorshihii ay doonaysay inay Doorashada dib ugu rido.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) oo Shabakada Ramaas wareysi gaar ah siiyey isaga oo ku sugan dalka Sweden, ayaa sidoo kale ka hadlay Golaha Wakiilada, isaga oo xusay in Xukuumaddu ay ka fushato wax alaale waxa ay doonto, isaga oo arintaas sabab uga dhigay XIldhibaanada Golaha Wakiilada oo uu ku tilmaamay inay u badan yihiin kuwa muxaafid ah, “Barlamaanka konton ka mid ahi waa Kulmiye, waxa ay amar ka qaatan Xukuumadda, wixii ay Xukuumaddu soo farto ayey Golaha ka fuliyaan, Mucaaradku Golaha wuu ku yaryahay, waa Soddon haddii ay ugu bataana waa Saddex iyo Sodan, inta badan dad cod ku raaca mooyaane, ma gaadhaana 33-sodon, markaas waxa Barlamaanka ka soo fulaya maaha wax ka soo fulay Guddoomiyaha Barlamaanka, waa wax Barlamaanka Kulmiye ka soo fulay, Barlamaanka wixii ka soo baxa cod ayaa lagu meel mariyaa, codkana iyaga ayaa u badan, markaas Xukuumaddu labadii garab ka ay doonto ha ka soo fulee waa wax ay iyadu soo karisay, waa wax ay iyadu ka dambaysay oo ilaa hadda ay wadaan, oo aan qabo in Guddida cusub ee Doorashooyinka inay gacanta kula jiraan, sidii ay hawlihiisa u soo faragelin lahaayeen si ay Doorashadu dib ugu dhici lahayd”.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) ayaa mar uu ka hadlaayey go’aankii ay dhawaan Guddida Doorashooyinku ka soo saareen diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa yidhi “Waa nasiib daro weyn in dhawaaqii ugu horeeyey ee ka soo baxa inuu noqdo wax aan laga filaynin Komishanka, inkasta oo la ogyahay in Komishanka Shan ka mid ahi xagga Xukuumadda ka socdaan, oo Madaxtooyada laga soo magacaabay Shantaba oo qaar ka mid ah Xisbiga Kulmiye Golihiisa dhexe ku jiri jireen, haddana XIsbiyada Mucaaradku kalsooni ayey siiyeen, dhaarna wey mareen, dhaartoodiina waanu aaminay, kalsoonina waanu siinay, waanu ognahay inay Xukuumaddu toos u soo faragelisay Komishanka markii ay is dooranayeen hogaanka komishanka.”