Madaxtooyada Oo Indhaha Ku Haysa Dareen Siyaasadeed Oo Ay Ka Qabto Dhaqdhaqaaqa Cabdicasiis Samaale Iyo Abiib Timacad

0
666

Picture9Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa indhaha ku haysa dhaqdhaqaaqyo ay is tustay inay wadaan labada siyaasi ee dhawaan iska casilay xilalkii wasiirnimo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad), kuwaas oo ay aaminsantahay inay halis ku yihiin xukuumadda.

Ila xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay madaxtooyadu si gaar ah ula socoto warar ay heshay oo tilmaamaya in labadan siyaasi ay abaabulayaan guddiyo shacbi oo ay dhallinyaro ka mid tahay, kuwaas oo dad taageersani ay qaban qaabadooda ka wadaan magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale ee gobalka Gabiley.

Wararku ma faahfaahin in dhaqdhaqaaqyadani ay yihiin kuwo lagu taageerayo siyaasiyiintan iyo inay yihiin kuwo kale oo hordhac u ah mucaaradad ka dhan ah xukuumadda. 

Wararkan oo xukuumadda soo gaadhayay afartii caano maal ee u dambeeyay ayaa waxa ay walaac ku abuureen madaxtooyada Somaliland oo si dhow ula socota islamarkaana qorshaynaysa sidii ay uga hortagi lahayd. Balse wararkan xukuumadda loo geeyay ayaan la hubin inay yihiin kuwo xaqiiq ah iyo inay yihiin kuwo la alifay oo ay dadka abuuray doonayaan inay xukuumadda kaga samaystaan mashaariic.

Abiib Diiriye Nuur iyo Cabdicasiis Samaale oo aanu isku daynay inaanu wararkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshee labadan siyaasi oo miisaan ku lahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa is casiladoodu waxay sababtay in xukuumadu mar walba heegan u ahaato indho feejigana ku eegto dareen kasta oo kasta oo kaga soo kordhi kara afkaartooda siyaasiga ah.

Waxaanay dadka siyaasadda odorosaa aaminsanyihiin in maalin ay noqotaba uu lama huraan yahay dagaal siyaasi ah oo dhex mara xukuumadda iyo labadan siyaasi oo ka tirsan guddiga fulinta xisbiga KULMIYE.