Sheekh Dirir Oo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ugu Baaqay Qorshaynta Xabaalaha Masalaha

0
533

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa ugu baaqay dawladda Hoose ee Hargeysa inay qorshayso xabaalaha masalaha Hargeysa.

Sheekh Dirir, oo shalay hadal ka jeediyay aas loo sameeyay  Alle haw naxariistee marxuum Cabdikayd Cabdillaahi Aw Yuusuf oo ka mid ahaa odayaasha reer Hargeysa, wuxuu dawladda Hoose ee Hargeysa kula dardaarmay in qorshe loo sameeyo xabaalahaas si aanay u buuxsamin islamarkaana ay dejiyaan qorshaha cabirka xabaal kasta, isagoo xusay in xabaalaha la wada leeyahay meel kasta oo ay ku yaalaan.

 “Halka aynu joognaa waa meesha walaalayaal loo soo wada socdo, meesha loo socdo iyo meesha laga soo socdana waxa badan meesha loo socdo, waxaanan kula talin lahaa Dawlada Hoose ee Magaaladda Hargeysa in ay qorshaha ku darsadaan sidii loo qaabayn lahaa xabaalaha, dadkana loogu cabiri lahaa. Waliba waxa muhiim ah in la sameeyo dhabo dhex marta xabaalaha si aan loo dul marin dadka ku aasan. Waxa aynu galaynaa wakhtigii roobka waxaana looga baahan yahay dawlada hoose ee Magaaladda Hargeysa inamada ka shaqeeya ee xabaalahan ilaaliya lagala shaqeeyo, si ay iyaguna u sii qodaan oo ay xabaalo diyaarsan oo aan iilka la duwin uun inoogu sii qodaan” ayuu yidhi Sheekh Dirir, waxaanu ku taliyay in Xabaalahaas loo sameeyo jid ku xidhka jidka kale ee dhismihiisa la wado ee gobalka Hawd.

Xildhibaan Cabdillaahi Aw Aadan oo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay dawladda hoose qaadanayso waanada Sheekh Dirir islamarkaana ay xabaalahaas u samaynayaan qorshe cad.