Xildhibaan Qabile Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Cashuuro Ay Kordhinayso

6
591

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhaibaan Maxamed Faarax Qabile,ayaa xukuumada ku dhaliilay inay nolashii ku adkaysay dadka reer Somaliland,isla markaasna ay maceeshadii sare u kac xoogani ku yimid kadib markii ay cashuuraha ay qaadaysaa noqdeen kuwo laban laaban,waxaanu sharrci daro ku tilmaamay cashuurahaas oo uu sheegay in aanay kordhintoodaas ansaxin golayaasha sharci dajintu.

 

Sida oo kale waxa uu xildhibaanku xukuumada ku dhaliilay kooxo uu sheegay inay macdanta ka qotaan gobalada kala duwan ee dalka oo aan la garanayn cida heshiisayada la gashay.waxaanu wax dastuurku diidanyahay ku tilmaamay xeerka ay cashuurta ku samaysanayso wasaarada madaxtooyadu,waxaanu sheegay xildhibaanku in loo ansaxiyo cashuur dheerada iska daayo in aanay miisaaniyada waxba ku lahayn maadaama oo xeerkii ay ku aasaasnayd uu yahay mid qabyo ah.

Xildhibaan Maxaxamed Faarax Qabiile waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay u waramaayay warbaahinta,waxaan hadaladiisa ka mid ahaa  “In dhawayd waxay xukuumadani cashuuraha u kordhinaysay si xad dhaaf ah oo wasaarada maaliyadu ay shay kasta saartay waxay doonto,maanta magaalada Bebera kontaynarkii laga rari jiray waa uu is laban laabay,waxaanay fuulaysaa cashuurtu bulshadan ay nolashu cidhiidhiga ku noqotay ee maciishadu cirka ku sii shareertay arintaas.Qodabda 14 iyo 54 ee dastuurka qaranka Somaliland waxa loo eegayaa cashuurta la kordhinaayo maslaxada umadda,cashuur aanay ansaxin golaha sharci dajintuna laguma dabaqi karo dadweynaha.ilaa garsoorkii iyo cashuur kasta oo xukuumadu ay qaadaysay halkeeda ayaa laga laban laabay waxaana la gaystay inamo cashuurta ururiya waana arin sharci daro ah,cashuurtaas la kordhiyay ee aan golaha wakiilada soo marin xaaraanbay ku tahay sharciga.bulshadana jaah wareer ayaa ku dhacay,markaas cashuurtan wasiir kastaaba is leeyahay wasiirkii hore dhaafi halaaga qaxa iyo tahriibta iyo nolasha cidhiidhi gashaa waxay ka timi wasaarada maaliyada.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Dhawaan waxa golaha timi miisaaniyad ay dabada ka riixayso madaxtooyadu,waxaynu ogsoonahay bilawgii markay xukuumadani timi waa ay madaxbanaanayd dekeda Berbera,haamahu way madaxbanaanaayeen,haayada wadooyinku waa ay madaxbanaanayd,maanta  haayadii wadooyinka iyo Dekadiiba waxa la hoos keenay madaxtooyada,haamiina saddex wasaaradood ayaa ku muransan,markaas waa mide madaxtooyadu  ma waxay isku badashay mid dakhli.”

Xildhibaan Qabiiile waxa uu ugu danbayntii hadalkiisa ku soo gunaaday “Maanta waxa yimi golaha hortiisa miisaaniyado kala socda,waxa la leeyahay haayada wadooyinka wax ha loo ansaxiyo iyada oo loogu soo gabanaayo wadooyinka,wadadu kama baxsana miisaaniyada qaranka,cashurtuna ma fuli karto halka loo qoondeeyay wax suurtoobayna maaha in cashuur la saaro gaadiidka iyo xoolaha nool oo waxii saarnaa ay hore u saarnaayeen .Xeerkan ay madaxtooyadu dabada ka riixayso mid suurto galaaya maaha,miisaaniyada qarankuna waa mid.masuul kastaaba inuu haayad wax u gaar ah soo samaysto maaha,haayada wadooyinka xeerkeedii baaba qabyo ah oo miisaaniyadna looma samayn karo. Arintaas waa mid gabood fal ku ah dad weynaha Somaliland waxaan ku dhiiri galinayaa inay gaadiid laydu dareenkooda muujiyaan,waxaanu xeerkan ku yahay qodabka 53 ee dastuurka oo miisaaniyad kaliyaata ayaa jirta ee mid labaad ma jirto.xukumadu haw soo noqoto maslaxada umaddan.Waxa ayaamahan danbe socday gaadiid badan oo macdan u socda oo aan la ogayn wax heshiis ah oo ay dawladu la gashay, gaadiidkaas lanbarka cas oo hubaysan ayaana gobal kasta ka baxaaya siday doonaana way u mushaaxayaan Somaliland,hadii arimahu sidan isaga sii socdaan waxa uu dalku xaalad xun ku gali karaa si aynaan dareemayn .”

Comments are closed.