Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Bixitaanka Genel Energy Iyo Duulimaadyadii Ethiopian Airlines

1
566

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa jawaabo ka bixiyay laba mawduuc oo ay bulshadu muddooyinkii u dambeeyay si weyn u hadal haysay, kuwaas oo kala ah bixitaanka shirkadda Genel Energy iyo diyaaradda Ethiopian Airlines.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo shalay khudbad uu ka jeediyay xafladii furitaanka kuuliyadda tababarka saraakiisha ciidamada, ayaa wuxuu arrimahan inay majaro habaabiyeen ku eedeeyay mucaaradka.  “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrinta shiidaalka ee shirkadda Genel Energy iyo diyaaradda Ethiopian Airline, arrintan oo ay masuuliyiinta mucaaridku tilmaamo khaldan ka bixiyeen, bulshadana ay ku soo dhex tureen hadalo aan la hubsan, aflagaado aan loo miidaan dayin iyo mararka qaarkood oo ay ku baaqayaan hadallo ay qaranimadda wax ugu dhimayaan oo ay nabad-gelyadda dalka mugdi ku gelinayaan.” Sidaas ayuu madaxweynuhu yidhi.

Isagoo ka hadlaya shirka Genel Energy iyo Ethiopian Airlines, wuxuu yidhi “Walaaleyaal shirkadda Genel may bixin ee way hakisay shaqadeedii, shirkadda Ethiopian Airline wax ceeb ah kamay sheegin madaarka Hargeysa, wixii la sheegayayna waxay ahayd been la abuuray oo la buun-buuniyay,”ayuu yidhi Madaxeynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray “ILAAHAY mahaddii dalka Somaliland waa Nabad-gelyo, waxaanu marayaa meel fiican oo lagu faano. Mana jiraan wax hoos u dhac ah oo ku soo kordhay nabadgelyadda dalka. Waxa uu dalkani leeyahay ciidamo heegan u ah oo nabad-gelyada dalka ilaaliya. Waxa kale oo uu leeyahay bulsho u diyaar ah oo u darban ilaalinta dalkooda. Waxa uu leeyahay dawlad u daacad ah oo ay ku soo doorteen codkooda.”

Isagoo farriin u diraya shacabka, wuxuu yidhi, “Waxaanay shacbigu kala ogyihiin cida u daacad ah ee dalka dhisaysa ee ku hawlan horumarintiisa iyo kuwa cayda iyo afmiishaarnimada la taagan gidaaradda ee u samaystay Goleyaasha sharci darrada ah.bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay nabad-gelyadiina ilaashada, ciidanka la shaqeeya oo caawiya, is barbar taaga oo qarranimadda u midooba,”

Comments are closed.