Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada

4
550

Picture4Dararweyne (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay furay Kulliyadda tababarka ciidamadda qalabka sida ee dalka, taasi oo laga hirgaliyey dugsigii hore ee Milatariga ee Magaaladda Dararweyne.

 

Kulliyadda ciidamadda qalabka sida ee dugsiga Dararweyne laga furay ayaa laga hirgeliyay dhismeyaal kala duwan oo loogu tallo galay saraakiisha ciidammadda ee lagu tababari doono, waxaana isla shalayba lagu xereeyay ciidamo badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo muddo ku qaadan doona tababar lagu dhisayo aqoontooda ciidannimo.

Xafladii loo sameeyay furitaanka Kulliyadda ciidammadda oo ay sidoo kale ka qayb-galeen Wasiirro, Taliyeyaasha ciidammadda kala duwan ee Somaliland, Xildhibaano iyo masuul tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in furitaanka akaadamigani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee lagu tayaynayo ciidammadda “Waxaan aad ugu faraxsan nahay saraakiisha ciidammadda kala duwan ee ay ka muuqato haybaddii ciidan-nimo iyo hanaankii derajooyinka ee hoggaaminta iyo kala dambaynta ciidanka, Ciidammaddu waxay ka mid yihiin astaanta qaranimadda oo la’aantood aanay dawladnimo jiri Karin.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Annaga oo ka duullayna mudnaanta ciidanku u leeyahay qaranka, waxa xukuumaddani kor u qaaday mushaharkii sanadkii noogu horeeyay oo aanu kordhinay 100%, iyadoo ay noo taalay qabyo aad u badan, dhaqaalaha dalkuna aad u hooseeyo, dayn aad u badan-na lanagu lahaa, qasnadaha dawladuna ay madhnaayeen”

Munaasibadda lagu furayey kuliyadda ciidamada qaranka, ayaa waxa iyaguna hadallo ka soo jeediyay Taliyayaasha ciidamada Qaranka, booliska iyo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, kuwaasi oo dhammaantood amaanay kuliyadda ciidamada.

Kuliyaddan ayaa loogu talo-galay in lagu tababaro saraakiisha ciidamada kala duwan ee dhawaan qaatay derajooyinka, ka hooseeya Xidiglaha.

Comments are closed.