Xildhibaan Obsiiye Oo Sheegay Inaan Guurtida Wax Laga Weydiin Arrinta Wabar

0
832

Picture613Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye oo tan  iyo Xukuumaddii ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ahaa Guddoomiyaha Nabadgeliyada ee Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, gaar ahaan xaalada Nabadgeliyo ee Gobolka Awdal, iyo sidii ay Xukuumaddu u maamushay, waxaanu sheegay in Wasiiro aan dhaqanka waxba ka garanaynin loo diray, isaga oo tilmaamay in arintaas Gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar aanay Xukuumaddu waxba ka weydiin Golaha Guurtida.

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye ayaa isaga oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waramaya sidoo kale ka hadlay Muddo kordhinta la sheegayo inuu Golehuudu wado, waxaanu tilmaamay  “Marka Hore ka Guurti ahaan inaanu ka hawl Galno Suldaanka Diidan Qaranimada Somaliland waajib ayaa na lagu leeyahay weeye, Dawladuna Runtii way isku xidhan tahay,Shaqadii aanu Anagu Lahayn waa Nalaga qabsaday,mudo dheerna waxaan ahaa Guddoomiyihii Nabad Galiyada ee Golaha Guurtida  ilaa maalintii la doortay Madaxwaynahii ina Cigaal Nabadgaliyada ayaan ku shuqul lahaa,Xukuumaddii Maanta iyada ayaa wixi isku koobtay halkii aan anagu ka tagi lahayn Afar wasiir ayaa Ka tagay Afartii wasiirna Dhaqankii Garan Mayaan”. Ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi.”Haddii uu Suldaan Duur galo iyo hadii Banaan joogaba anaga ayaa isku dhaqan ah oo garanayna Xeerkii dhaqan iyo Salaadiinta,xeerbaa naga dhaxeeya Dastuurkuna waxa uu odhanayaa Guurtidu marka ay Arimaha Nabadgaliyada   qabanayso waa in ay Guurtida la tashataa,Xukuumaddu hadii ay wixiiba isku koobtay oo ay tidhi anaga ayaa ku filan anaguna waanu ka fadhiisanay”.

 Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Boorama waa Hooyadii Somaliland waana Halkii ay Nabad Galiyada Koobaad ka soo bilaab Matay,waxaanan leenahay Reer Awdal waxbay Tabayaan ee wixii hala siiyo taasi war-wareeg ma leh,Hal Wasiir iyo laba Agaasime dalka way ka go’i karaan waa in lasiiyaa,Shirkoodii ayay ku jirtay Anagu Nabad galiyada waanu ilaalinaynaa ee cabashadayada hala Fuliyo".

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye oo ka hadlaya muddo kordhinta la sheegayo inay Guurtidu u sameeynayso Xukuumadda ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Mudo kordhinta adeer iskagama Dhufano duruuf ayaa keentay markaas markaanu eegno xaalada dalka,waxaanu uu samaynaa mudo kordhin lakiin muddo kordhintaasi kama Badato lix bilood ama sanad,waraaq cad oo nalo keeno oo la yidhaa iska saxeexa anagu ma aqbalno”