Xoghayaha Waddani Ee Qorshaynta Oo Ka Jawaabay Hadalkii Wasiir Samaale

0
635

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Qorsheynta ee XIsbiga Mucaaradka Waddani Cabdirashid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac), ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo sheegay in haddii Doorashadu dib u dhac ku yimaado inay qasab tahay in muddo kordhini timaado, waxaanu ugu baaqay Wasiirka in aanu ka barbar hadal Madaxweynaha oo walibana hadalo lid ku ah aanu odhan, ee uu ku eekado shaqadiisa iyo xilka loo igmaday, oo uu sheegay inuu ka gaabiyey.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac), ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale talooyin u soo jeeidyey Xildhibaan Shaadh oo ka tirsan Golaha Guurtida, uguna baaqay inuu xilkiisa ku eekado, oo aanu kala Xukuumadda taageerin, Xisbiyada Qarankana uu dhex u ahaado.

Xoghayaha Qorsheynta Waddani ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, waa Shaqaale oo Madaxweynaha ayuu Shaqaale u yahay, maaha inuu ka hor yimid Madaxweynihiisi, maxa yeelay Madaxweynuhu marar badan ayuu sheegay inuu diyaar u yahay Doorashada, Doorashadanu aanay dib u dhacay, Cabdicasiis Samaalena waxa uu yidhi waa lagu qasban yahay in Xukuumaddu sii joogto, Madaxweynuhu xilka sii hayo haddii ay Doorashadu dib u dhacdo, waxa aan Wasiirka u sheegay in dib u dhac Doorashada aanay ku xidhnayn Guurti, Wakiil, Madaxweyne iyo cid kale, balse ay ku xidhan tahay Saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka oo go’aan isla qaata, oo markaas bil ama laba bilood dib u dhac ku yimaado, Komishankuna waa kuwii shaaciyey Qandaraaskii, markaas sabab Doorashada dib u dhac ugu yimaado garan maayo, bil ama laba bilood inuu dib u dhacdo mooye”.

Xoghayaha Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata kana jawaabaya hadal ka soo yeedhay xildhibaan guurtida ka tirsan oo madaxweynaha ka difaacay eedaha mucaaradka ayaa yidhi “Xildhibaan Shaadh, waa Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, Xukuumadda ayuu si cad u taageeray, markaas madaama uu Xildhibaan yahay, walbaina Xildhibaan Guurti uu yahay, waxa aan kula talinayaa inuu sharaftiisa iyo karaamadisa ilaashado, inuu Saddexda Xisbi dhex u ahaado iyo inuu waajibka saaran si fiican u guto, oo uu ku eekado Xildhibaanimadiisa”.

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani ayaa isaga oo hadalkiisa sii kana hadlaya siyaasadda Turkiga, ayaa idhi “Turkigu iyada oo Wasiirada iyo Madaxda Somaliland ay joogaan Ankara ayuu si cad u yidhi waxa aanu doonaynaa Somali weyn, waa xogogaal, weyna ka warhayaan, cid walibana wey ogtahay in Turkigu aanu doonaynin in Somaliland dal madax banaan noqoto, ee uu doonayo inuu ku dadaalo sidii ay Somaliland iyo Somaliya Somaliweyn u noqon lahaayeen oo ay dib ugu midoobi lahaayeen”.