“Daahir Rayaale Waxa Ay Somaliya Ka Baryi Jirtay Salaan, Xukuumaddana Waxay Ku Tidhaahdaa Waad Toobad Keenteen”

0
421

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani  ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu mawqif adag ka taagnaa qadiyada Somaliland marka ay noqoto Somaliya, marar badana uu ka diiday inuu wax wada hadal ah la furo Somaliya, balse ay Xukuumaddani ku dhiiratay, oo ay ku milantay Somaliya, waxaanu xusay in Xukuumaddani ay ka qeyb gashay Shirkii IGAD ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayey ayaa sidoo kale waxa lala yaabo ku tilmaamay in Warshada Laydhka la wareejiyo, oo dad gaar ah lagu wareejiyo, oo aan waxba laga siin dadkii deganaa Xaafada ay Warshadu ku taalo. Xildhibaan Mataano Hoori ayaa sidoo kale ka hadlay beesha uu ka soo jeedo waxaanu sheegay in ilaa hadda aanay Xisbina raacin, balse uu ku rajo weyn yahay in Xisbiga Waddani ay raacan, waxaanu ka hadlay tabashada reer Awdal, ugu horeyna waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddani Shirkii jabuuti marka laga yimaado waxa ay ka qeyb gashay Shirkii IGAD ee ka dhacay Muqdisho, waa layaab, Shirarkaasina waa Shirar xaaran ah oo la doonayo in Somaliland lagu baabiyo, oo Maamulkani arrimo qaab daran ayuu wadaa, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale waligeed laguma maqal Somaliya, oo wufuud ayey soo diri jireen Somaliya bishii mar, oo Daahir Rayaale waxa ay ka bariyi jireen bal wufuudun cidiin ka salaam, isna waxa uu odhan jiray salaami maayo, haddana waxa ay yidhaahdan marka ay Xukuumaddani la hadasho waataas Somaliland toobad keentay, oo waad toobad keenteen, waxaan is leeyahay malaa toobadaas ayey wax ka jiraan in kasta oo dadka aan la marsiinaynin Somaliya”. Xildhibaan Mataan oo ka hadlaya Warshada Laydhka  Hargeysa la wareejiyey ayaa yidhi  “Warshadaas Xaafadii ay ku taalay waxba laga siin, oo arin gar ah ayey sheeganayaan, oo ilaa Ingiriiska, xaafada ay Warshadu ka dhisan tahay ayaa Madax ka ahaa oo haystay, oo ilaalinaayey, oo xittaa tan iyo markii dalka lagu soo noqday ee dhawr iyo labatanka Sanno ah bilaash ayey ku ilaalinaayeen, oo Subax ayaa loo yimid oo la yidhi ka dareera, dad aanan garaynina waa lagu wareejiyey, markaas waa arin aan wanaagsan, wixii kolay ka yimadaana Dawladda ayaana sabab u ah, oo haddii cid wax laga siinayo in dadka degan Xaafada ay ku taalo Warshada Laydhku in wax laga siiyo ayey ahayd”.

Xildhibaan Mataan Hoori ayaa mar uu ka hadlaayey Beesha uu ka soo jeedo iyo Xisbiga ay taageersan tahay ayaa  yidhi “Beeshu dadka ayey ka mid tahay, cidii Kulmiye iyo Xukuumadda waxa ka tabanaysana ha ka tabato, oo wali Reerku si buuxda meel uguma muuqan, Xisbina ugumuu biirin,oo Sannadkan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye uma dhawaanayaan, balse waxaan is leeyahay oo beeshu iskugu biyo shuban doontaa Xisibga Waddani sida la hadal hayo” Xildhibaan Mataan oo ka hadlaya arinta Awdal ayaa yidhi “Arinta Awdal waa mushkilad, dalka laga abuuray, Suldaankana isaga ayaa khaldan, mana ah dhaqan Suldaan xadka ayaan ka talabay, oo buuraha ayaan galay oo qoriyo ayaan qaatay, laakiin khalad uu galay qof shaqsi ah in Magaalo iyo Gobol dhan lagu cadaabo oo dagaal loogu muujiyo maaha, waana arin khalad ah, waxa ay tabanayaana anigu wax ka maqan ma garanaya in la siiyo oo la qanciyo weeye, laakiin idin dhagaysan mayno wax meesha qabta maaha”.