Xildhibaan Cali-Mareexaan Oo Markii Labaad Baabuur Ugu Deeqay Ciidamada Booliska

0
721

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadhi noociisu yahay Surf, kaasoo ugu talagalay inay ku hawlgalaan ciidammada bilayska degaanka Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer, waxaanay noqonaysaa markii labaad ee uu Baabuur ku wareejiyo ciidamada Booliska.

Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa gaadhigan si rasmi ah ugu wareejiyey Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ku guddoomay xarunta Taliska Guud ee Booliska.

Cali Mareexaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu gaadhigan ugu wareejiyey, kadib markii uu arkay baahida ciidammada amniga degaanka Dhoqoshay u qabaan gaadhigan si ay ugu hawlgalaan, sidoo kalena uu maqlay codsiyo badan oo ka yimi saraakiisha degaankaas oo ku dhaw meel xuduuda.

Taliye-ku-xigeenka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isna markii uu gaadhigan guddoomay ka hadlay, ayaa u mahadceliyey Xildhibaan Cali Mareexaan oo uu sheegay inuu mar walba taageero la garab istaago ciidammada bilayska, isagoo sheegay inuu hore gaadhi noocan oo kale ah ugu wareejiyey ciidammada bilayska degaanka Qoryaale ee isla gobalkaas Togdheer.
Masuuliyiin, salaadiin iyo Guddoomiyaha degaanka Dhoqoshay ayaa iyaguna sheegay in xildhibaannada la soo doortayna ay wax dib ugu celiyaan degaannada laga soo doortay.